Madaxweynaha DFS oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah RW

Image

Arbaco, September 24, 2014 [GO]-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Federaalku kahor inta uusan u dhoofin wadanka Mareykanka xildhibaano ka tirsan baarlamaanka uu kala hadley sidii mooshin xilka looga qaadayo Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh loo horgeyn lahaa golaha wakiilada.

Xildhibaanada Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah kala balamey iney mooshinkaan keenaan ayaa gaaraya 75 xubnood kuwaasoo la filayo iney kalfadhigaan keenaan qoraal ka dhan ah Ra'isal wasaaraha.

Madaxweynaha Xasan Shiikh ayey sidoo kale wararku sheegayaan inuu arrinkaan markii hore kala hadlay Gudoomiyaha Barlamanka balse uu ka cududaartey in mooshinkaan ka dhan ah Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh uu hormuud ka noqdo madaama beesha caalamka oo tageerta dowlada aysan raali ka aheyn xil-ka qaadis lagu sameeyo waqtigaan Wasiirka Koowaad.

Lama oga sababta keentay in Madaxweynaha Dowlada Federaalku waqtigaan soo jeediyo in Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh xilka laga qaado, balse ila wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa tibaaxaya in go'aankani uu salka ku hayo khilaaf in muddo ah soo jiitamayey kaasoo sii xoogeystey markii xil-ka qaadista lagu sameeyey dhowaan taliyihii hore ee Ciidamada Nabad Sugida Sanba-looshe.

Madaxweynaha ayaa ogolaaday xil-ka qaadista Sanbaloolshe balse taas bedelkeeda wuxuu bilaabay inuu mooshin ka dhan ah Ra'isal wasaaraha olole uga galo dhinaca xildhibanaada kuwaasoo dhowaan uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay.

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa tan iyo intii uu xilkaan qabtey gacanta ku dhigey shaqada xukuumada isaga oo Madaxweyne Xasan Shiikh ka diidey inuu ku xadgudbo awoodaha Dastuuriga ee uu leeyahay xafiiska wasiirka koowaad.

Barlamaanka Federaalka ayaa horey mooshin ka dhan ah Ra'isal wasaare Saacid xilka uga xayuubiyey kadib khilaaf muddo soo jiitamayey ee u dhexeeyey isaga iyo Madaxweyne Xasan Shiikh.

Wararka ku xeeran xil-ka qadista la damacsan yahay in lagu sameeyo Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh ayaa waxaa in muddo ah riixayey koox diimeedka lagu magacaabo Damul-jadiid kuwaasoo si aad ah ugu dhow Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh. 

Koxdaan ayaa raadineysa labada sano ee ka dhiman xilka Madaxweynaha Somalia Ra'isal wasaare siyaasad ahaan la jaan qaadi kara kaasoo aan laheyn damac siyaasadeed oo dhaafsiisan doorashada la filayo iney dhacdo 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM