Madaxweynaha M. Koonfur Galbeed oo wasiirro soo magacaabay

Image

December 19, 2014 (GO)- Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo magacaabay qaar kamid ah xubnaha golihiisa wasiirrada.

Munaasabad ka dhacday Baydhabo ayuu kaga dhawaaqay magacyada afar wasiir isagoo sheegay inuu inta dhimanna sida ugu dhaqsaha badan kusoo dhameystiri doono.

Madaxweyne Shariif ayaa dhanka kale sheegay in xubnahan keligiis iska soo magacaabin balse uu kala tashaday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Afarta wasaaradood ee wasiirrada loo soo magacaabay ayaa kala ah:

  1. Wasaarada Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Ibraahim Aadan (Sate).
  2. Wasaarada  Maaliyadda, Sheekh Xasan Ibraahim (Lug-buur).
  3. Wasaarada  Garsoorka, Axmed Sheekh Xasan (Garrow).
  4. Wasaarada Beeraha, Maxamed Xasan Fiqi.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed loogu doortey doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo November 17, 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM

Wasiirrada Gaashaandhigga Masar iyo Soomaaliya oo ku kulmay Qaahira si ay u xoojiyaan iskaashiga milatari

Masar ayaa qorsheyneysa inay ku biirto Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

  • Soomaliya

    30-09-2025

  • 12:04PM