Madaxweynaha Puntland oo Addis Ababa soo gaarey

Image

October 27, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogey dalka Ingiriiska ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Gaas ayaa mudadii uu London ku sugnaa ka qayb galay shir looga hadlayey maalgashiga qaarada Africa isagoo sidoo kale kulamo gaar gaar ah halkaas kula soo yeeshay xubno ka tirsan beesha caalamka iyo weliba jaaliyadda reer Puntland ee Ingiriiska ku dhaqan.

Xiligii uu Madaxweynaha Punltand kasoo degayey garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa waxay garoonka dhexdiisa isku arkeen Wasiirka Arimada Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa ku wajahnaayeen dalka Kuwait.

Sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Garowe Online u xaqiijiyeen mudada Cabdiweli Gaas Addis Ababa ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa mas'uuliyiin ka tirsan qaar kamid ah shirkadaha caalamiga ah ee shidaal baarista ka shaqeeya gaar ahaan shirkada Africa Oil.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Cabdiweli Gaas gaari doono wadanka Imaaraadka Carabta halkaas uu kaga qayb gali karo shir looga hadlayo burcad badeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM