Madaxweynaha Russia oo ka carooday shirkii G20

Image

November 16, 2014 (GO)- Madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa goor hore isaga baxay shir madaxeedka G20 ee lagu soo gaba gabeeyey magaalada Brisbane ee dalka Australia.

Wargeysyada caalamka ayaa arintan si aad ah waxa uga qoray iyagoo ku macneeyey sababta  inay salka ku hayso eedeyn kulul iyo cadaadis Madaxweynaha Ruushku kala kulmay madaxda reer galbeedka.

Dalalka Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa Dowladda Ruushka ku eedeeyey inay dabada ka riixeyso qalalaasaha ka taagan gobolka Crimea iyagoo ugu baaqay in Ruushku joojiyo faragelinta uu ku hayo dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.

Dhanka kale Vladimir Putin ayaa beeniyey inuu carooday isagoo sheegay inuu shirka uga baxay si uu nasniin u helo maadaama isu diyaarinayey safar qaadan doono muddo dhowr iyo toban saac ah.

"waxan u baahneyn sagaal saac si aan ugu kala safarno halkan (Brisbane) ilaa Vladivostok iyo sagaal saac oo kale si aan ugu kala safarno Vladivostok ilaa Moscow...sidaas darteed waxan u baahday ugu yaraan shan ama afar saac si aan u seexdo" Putin ayaa sidaas yiri mar uu la hadlayey wakaaladda wararka ee RIA Novosti.

G20 waxaa ku bahoobay Midowga Yurub iyo 19 dal oo kale oo qaarkood isla Midowga Yurub ku jiraan, kuwaasoo kala ah: Argentina, Australia, Brazil, Canada, China, France, Germany, India, Indonesia, Italy, Japan,  South Korea, Mexico, Russia, Saudi Arabia, South Africa, Turkey, United Kingdom iyo United States. 

Saddex meelood labo meel oo kamid ah bulshada caalamku waxay ku nool yihiin dalalka ku jira Ururka G20, waxaa sidoo kale xusid mudan in 20kaas dal soo saaraan 85% dakhliga guud ee dhaqaalaha dunida islamarkaana gacanta ku hayaan 75% gacansiga caalamka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM