Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqasho Ku Jooga Kenya, Warar Sir Ah oo Ka Soo Baxaya Ujeedada Safarkiisa

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa warar soo baxaya sheegayaan inuu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Kenya, William Ruto. Safarkan ayaa markii hore Villa Somalia ku sheegtey inuu la xiriirayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka ciidamada ATMIS ku biiriyey Soomaaliya. Balse warar hoose oo ay heshay Garowe Online ayaa muujinaya in safarka Kenya uu sidoo kale qeyb ka yahay kulamo gaar ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh la kala yesshey Madaxweyne Ruto xaaladda siyaasadeed ee Jubaland.

Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay Madaxweynaha Kenya sidii culeys siyaasadeed loo saari lahaa Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, kaasi oo dhowaan ka biyo diiday kulankii Golaha Wada-tashiga Qaranka (NCC), ka dib markii ay dowladda federaalka ku cadaadisay muddo kordhin ay damacsaneyd in loo sameeyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada. Arrintan ayaa keentay xiisad siyaasadeed oo sii kordhaysa, iyadoo dowlad goboleedyada qaarkood ay si cad uga horyimaadeen siyaasadda Villa Somalia ee ku aaddan maamulka gudaha.

Garyaqaan Axmed Naasir Cabdullaahi, oo ah siyaasi Kenyan Soomaali ah, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X (hore Twitter) waxa uu si cad u eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku tilmaamay inuu ku fashilmay hogaaminta dalka iyo inuu ku mashquulay dano gaar ah halkii uu ka dhisi lahaa dowlad dhab ah oo mideysa Soomaaliya. “Waxaan arkaa Madaxweynaha Soomaaliya oo jooga Nairobi. Sida muuqata, wuxuu ka codsanayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto inuu taageero qorshihiisa sharci-darrada ah ee hal qof hal cod, isaga oo aan wax taageero ah ka heysan dowlad goboleedyada,” ayuu yiri Garyaqaan Naasir.

Naasir ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu isku dayayo in Madaxweyne Ruto uu cadaadis ku saaro Axmed Madoobe, si uu u taageero qorshaha doorashada hal qof iyo hal cod oo ay Villa Somalia dooneyso in la hirgeliyo, isagoo qorshahan ku tilmaamay mid aan macquul ahayn. Sidoo kale, Naasir ayaa xusay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka waayey taageero dhammaan dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland, taas oo ka dhigaysa qorshihiisa mid aan hirgeli karin.

Waxa uu qoraalkiisa ku daray: “Inta uu dhisi lahaa dowlad wax ku ool ah, Madaxweyne Xasan wuxuu waqti ku lumiyay qodista xabaalaha iyo iibinta dhulka ganacsatada.” Garyaqaan Naasir ayaa sidoo kale ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu u muuqdo inuu isku dayayo inuu doonayo muddo kororsi, halkii uu ka abuuri lahaa xasilooni siyaasadeed iyo in la qabto doorasho hufan oo xor ah.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Kenya oo la filayo inuu soo dhamaado ayaa warararka qaar sheegayaan in Madaxweynaha Kenya uusan rabin inuu si toos ah ugu lug yeesho arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo sii xoojin karta dib u dhac ku yimaada qorshayaasha siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku wajahan doorashooyinka soo socda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Turkiga oo iska soo wareejinaya maxaabiis Soomaali ah

Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda ee dalka Turkiga Ramazan Can ayaa qaddiyadan soo hadal-qaadey.

  • Soomaliya

    22-10-2024

  • 02:25PM

Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Geelle oo kawada hadlay ammaanka Soomaaliya

Madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa shir gaar ah waxay ku yeesheen magaaladda Jabuuti.

  • Soomaliya

    21-10-2024

  • 09:44AM