Madaxweyne Deni oo qaabiley Ergayga QM James Swan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo, Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

Qaramada Midoobey ayaa boggaadisay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo dadaalka ay Puntland ku bixisay hawlgalka qorsheysan ee Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad, waxaa kale oo Kulanka looga hadlay Amniga Guud, Mashaariicda horumarin iyo bani’aadantinimo ee Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

Puntland ayaa hadda ku jirta marxalad dagaal ah, oo dhulkeeda uga sifeynayso kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM