Madaxweyne Xasan: baarlamaanku shaqadiisa ha qabsado

Image

November 21, 2014 (GO)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa dib magaalada Muqdisho ugu soo laabteen ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta ku hadasha afka dowladda wuxuu kaga hadlay arimo badan oo kamid yihiin: buuqa ka taagan baarlammaanka, khilaafka u dhexeeya isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha iyo kaalinta qurbe-joogta kaga aadan horumarka dalka.

Buuqa baarlamaanka iyo mooshinka laga keenay xukuumadda:

Ugu horeyn wuxuu ka hadlay buuqii ka dhashay mooshinka qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku kasoo gudbiyeen xukuumadda isagoo sheegay in arintaasi ahayn mid mudan in walaac xooggan laga muujiyo.

Kala aragti duwanaansha siyaasadeed iyo tabashooyinka jira si xal looga gaaro wuxuu xusay  inay khasab tahay in la maro hab saxan iyadoo lagu kala baxayo hay'adaha sharciga ee dastuuriga ah iyo weliba in laga gudbo nin jecleysiga.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in xukuumaddu ku fashilantay inay qabato shaqadii loo dhiibay sidaas darteed baarlamaanka laga rabo inuu waajibkiisa guto islamarkaana keeno xukuumad cusub oo bedesha midda hada jirta.

Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaas raaciyey in baarlamaanku shaqooyin hore soo qabtay haddana awood u leeyahay inuu shaqadiisa sii wato hadalkaasoo micnihiisu u dhacayey in baarlamaanku horay kalsoonida ugala laabtay xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Shirdoon hadana awood u leeyahay inuu eryo xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli.

"dadka Soomaaliyeed haku kalsoonaadeed hay'adaha sharciga hana loo ogolaado inay shaqeeyaan...baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan qabaa waa baarlamaan tijaabo baxay oo hada kahorna shaqo soo qabtay hadana qaban kara" ayuu yiri.

Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha:

Madaxweynaha oo arintaas wax laga weydiiyey wuxuu sheegay in khilaafka isaga iyo wasiirka koowaad ee xukuumadda u dhexeeyaa ahayn mid shaqsi ah balse ay isku qabteen habsami u socodka shaqada dowladda, isagoo taas sharaxayeyna wuxuu yiri:

"aniga iyo Ra'iisul Wasaaruhu wax shaqsi ah iskuma haysano, saaxib ayaan nahay maalin kasta waa is aragnaa waana sheekeysanaa sidaas darteed cilaaqaadkeena shaqsiga ah mushkilo kama jirto dhanka shaqada weeye waxa mushkiladdu ka jirto"

Kaalinta qurbe-joogta ee horumarka dalka:

Ugu dambeyntii wuxuu ka hadlay kaalinta qurbe-joogta Soomaaliyeed ee daafaha dunida ku nool kaga aadan horumarka dalka isagoo sheegay in laga rabo inay si joogto ah qayb uga noqdaan dadaallada dalka dib loogu dhisayo iyagoo aqoontooda, hantidooda iyo xirfadahoodaba dalka dib ugu soo celinaya si looga faa'iideysto.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii uu soo gaba gaboobay shirkii Copenhagen ee looga hadlayey barnaamijka New Deal iyo qorshaha Soomaaliya ee dhanka horumarka.

Waxaa xusid mudan in wufuuddii caalamiga ahaa ee shirkaas kasoo qayb galay walaac xoogan ka muujiyaan khilaafka u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka iyagoo ku baaqay in is-faham-waaga jira laga gudbo si horay loogu socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM