Madaxweyne Xasan oo xalay oo la shiray labada garab ee barlamaanka

Image

November 22, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo dadaal ugu jira sidii loo meel marin lahaa mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh, ayaa xalay kulamo gaar gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay labada garab ee xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku ukala qaybsan yihiin.

Ugu horeyn Madaxweynuhu wuxuu xarunta madaxtooyada kula shiray xildhibaanada mooshinka soo gudbiyey isagoo ku booriyey inay dulqaad muujiyaan. Dhanka kale Xasan Sheekh ayaa xildhibaanada ka dhegeystey cabasho ay kasoo gudbiyeen guddoonka baarlamaanka iyagoo sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanku dhex dhexaad ka ahayn khilaafka hareeyey baarlamaanka.

Isla xalay wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Federaalku la shiray qaar kamid ah xildhibaanada mooshinka diidan isagoo ka codsday inay xaaladda dejiyaan islamarkaana joojiyaan fawdada iyo buuqa ay ka dhex sameynayaan fadhiyada baarlamaanka si loogu gudbo ka doodista mooshinka.

Kulanka ayaa sida ila wareedyo Villa Somalia ka agdhowi warbaahinta u xaqiijiyeen natiijo la'aan kusoo idlaaaday kadib markii xildhibaanada mooshinka diidani sheegeen inaysan aqbali doonin in baarlamaanka loo soo gudbiyo, maadaama sida ay tilmaameen mooshinkaasi yahay mid sharci darro ah islamarkaana laga soo abaabulay madaxtooyada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay oo Jimce ahayd warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuusan intaas ka badan mooshinka sii hayn karin, sidaas darteed maalinta Isniinta ee soo socota xildhibaanada loo qaybin doono dabadeedna si toos ah ka doodistiisa loo bilaabi doono.

Jawaari ayaa dhanka kale digniin u jeediyey xildhibaanada mooshinka kasoo horjeeda isagoo sheegay in xildhibaankii fadhiga baarlamaanka carqaladeeya tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Guddoonka baarlamaanka ayaa labo mar oo hore ku guul daraystey inuu qaybiyo mooshinka, kadib markii in ka badan 120 xildhibaan oo diidan mooshinkaasi fadhiga baarlamaanka fawdeeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM