Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Muqdisho, May 22, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku eegayo xaaladda guud ee hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka sare ee Ciidanka Qaranka, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo qorshayaasha horumarinta ciidanka ka dhageystay madaxda wasaaradda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaagaadiyey geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee furimaha dagaalka ku jabiyey argagixisada ayaa adkeeyay in la dardar-geliyo dib-u-dhiska Ciidanka, waxa uuna xusay in xasilloonida iyo amniga dalka ay dowladdu dadaal badan gelisay.

DHAMMAAD

Related Articles

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM