Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

Image

Muqdisho, Juun 16 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa digniin adag u diray dowlado shisheeye oo uu ku eedeeyay inay taageerayaan kala qaybsanaanta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka Shirka Wada-tashiga Qaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho, shirkan oo bilowgiisu dib u dhacay hal maalin.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan, mid ah oo leh karaamo iyo dhul aan la taaban karin. “Madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya waa arrimo aan la jabin karin,” ayuu intaas ku daray.

Shirka oo la qorsheeyay inuu noqdo madal ay isugu yimaadaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta, waxaa ka baaqday madax mucaarad ah iyo madaxweynayaashii hore ee horey loo casuumay.

Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa iyaguna ka maqnaa shirkan, iyadoo weli aan la hubin haddii dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ay ka qeyb geli doonaan wajiga labaad ee wada-tashiga oo lagu wado inuu qabsoomo 22-ka Juun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM