Mahad Salaad oo sharaxay sababta dhalisay buuqii Golaha Shacabka

Image
Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad,  oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sharaxay sababta keentay isku dhac kooban oo isaga iyo xildhibaano taabacsan madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ku dhexmaray xarunta golaha shacabka Isniintii.

Xildhibaan Mahad ayaa ku sifeeyay sababta isku dhaca keentay "aqoon darro haysatay" xildhibaan Xildhibaanada ay dagaalameen oo kala ah Cabdullaahi Aadan Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Miri oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhaw madaxweynaha xilka ka siidagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray: "Markan arkay ayaga oo gacanta ka jiidaya guddoomiyaha ayaan soo kacay" mar uu sharaxayay sababta uu ku bilaabatay xiisada gacan ka hadalka gaartay ee dhexmartay xildhibaanada cusub oo ku jira kalfadhigoodii ugu horeeyay.

“Saaxiibaday horta laba mushkilo ayaa haysatay, xildhibaanada maanta dooda waday mid waxa ay eheyd in aysan xog ogaal u ahayn xeer hoosaadka labada aqal ee Baarlamaanka,” ayuu Garowe Online u sheegay xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanka oo ka mid ah mucaaradka ugu xoogan ee Farmaajo ayaa sheegay in xildhibaanadaan ay bilaabeen dood ka dib markii ansixiyay xeer hoosaadka doorashada oo aysan harin dood kale oo Baarlamaanka u dhiman.

Baarlamaanka ayaa shalay ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal, wuxuuna dhacay xilli laga cabsi qabay in xildhibaano taageersan Villa Somalia ay isku dayaan in ay joojiyaan si doorashada dib loogu dhigo, taasi oo aan dhicin.

Hase yeeshee, markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa waxaa ka dhacay buuq ay abuureen labo xildhibaan oo qaraabo la ah madaxweyne Farmaajo kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Cabdullaahi Kulane (Kulane Jiis).

Labada xildhibaan ayaa la arkayey iyaga oo ku buuqaya kursiga guddoonka ku-meel gaarka ah ee labada aqal, taasi oo sababi rabtay in gacanta la isku qaado.

Kaamirooyinka warbaahinta ayaa qabatay xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo u fak-fakanayo xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha ugu culus ee mucaaradka, kaasoo xildhibaanada buuqa sameynayey ugu baaqayey inay ka ag fogaadaan guddoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaan Kulane Jiis oo NISA ka tirsanaa baarlamaanka kusoo biiray uu u gacan qaadi rabay guddoonka ku-meel gaarka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad), inkastoo aan ka helin caddeymo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Ma sii wadi karno kaligeen kharashka nabad ilaalinta Soomaaliya

Shirka Kampala ayaa noqon doona talaabo muhiim u ah dejinta ajandaha shir madaxeed la filayo in uu dhaco horraanta bisha Maajo.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 08:26AM

Farmaajo: “Ciidankeennu waa geesiyaal u taagan difaaca dalka; shacabka ha garab istaagaan”

Madaxweynihii hore ayaa xusay in guulo waaweyn laga gaaray dagaalka argagixisada intii u dhaxeysay 2018 ilaa 2020.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 07:37AM