Maraakiib "jariif" kawada biyaha Soomaaliya oo digniin loo diray

Image
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Buluugga ah ayaa waqti kama dambeys ah u qabatay gaadiidkan badda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Buluugga ah Soomaaliya ayaa waqti kama dambeys ah u qabatay maraakiibta iyo doonyaha "aan ruqsada heerka federaal haysan ee ka kalluumaysanaya xeebaha dalka".

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, wixii mudadaas ka dambeeya waxaa laga qaadi doono "talaabo waafaqsan sharciga caalamiga ah".

Bayaanka ayaan lagu caddeyn dalalka laga leeyahay maraakiibta iyo doonyahan. Sidoo kale, waxaan lagu carabaabin cidda ay ruqsadda ama ogolaanshiyaha ka haystaan gaadiidkan badda.

Balse, digniinta wasaaradda ayaa kusoo hagaagaysa xilli Puntland ay dhowaan ka digtey meelmarinta sharciyo la xiriira kalluumeysiga Soomaaliya kaasoo horyaalla Golaha Shacabka federaalka.

Warsidaha Garowe Online ayaa aaminsan in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu warqada digniinta ah ku xalaalaynayo ku dhowaad 65 ruqsado kalluumeysi oo uu siiyey maraakiib kalluumeysi.

Khuburadda oo sharci darro ku tilmaamay ruqsadaha uu bixiyey Deni ayaa aaminsan in darafyadda la siiyey ay ku jiraan ganacsato horey ugu caan baxay jariifka kalluumeysiga, siyaasiyiin kamid ah ururadda siyaasadda iyo shaqsiyaad kale.

"Madaxweyne Deni waxa uu ruqsadahan ku iibsanayaa muddo kororsi sharci darro ah oo ay ku taageeraan ururadda siyaasadda qaarkood iyo in uu ka helo dhaqaale uu ku ololaha ku galo," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Sharciga kalluumaysiga, kan batroolka iyo arrimaha dastuurka ayaa ka mid ah kuwa ay sida weyn isugu maandhaafsanyihiin Puntland iyo dowladda federaalka, iyada oo xukuumadda Deni ay sheegtay in ay hakisay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM