Maraakiibta iyo doomaha ka taga Somalia oo dhuxul laga baarayo

Image

October 25, 2014 (GO)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar ogolaanaya in la baari karo maraakiibta iyo doomaha ka taga Soomaaliya, si loo hubiyo inay shixnado dhuxul ah sidaan iyo in kale.

Qaraarka oo shalay oo Jimce ahayd la ansixiyey, waxaa golaha hor keenay dowladda Ingiriiska iyadoo 13 xubnood oo kamid ah 15-ka Goluhu ka kooban yahay ogolaadeen halka Jordan iyo Russia kahor yimaadeen.

Tallaabadan ayaa ah mid lagula dagaalamayo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo sanadkii 2012 Qaramada Midoobay xayiraad ku soorogtey maadaama la sheegay in kooxda Al-shabaab dhuxusha dhaqaale xooggani kasoo galo.

Dhanka kale, Golaha Ammaanku wuxuu shalay kordhiyey waqtiga hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM iyo weliba muddada Soomaaliya laga khafiifiyey cuna-qabateynta hubka iyadoo Goluhu isku raacay in la gaarsiiyo ilaa Nov30, 2015.

Gudiga Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea, ayaa warbixin cusub oo dhowaanta soo saareen ku sheegay in sanad kasta $250 milyan oo lacag ahi kasoo xerooto dhuxusha, lacagtaasoo saddex meelood hal meel gacanta u gasha Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM

Maxaa kusoo kordhay Weerar Al-Shabaab ee Xabsiga Sirdoonka ee Godka Jilicow?

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan 7-dii weerarka qaaday la dilay.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 05:25AM