Maraakiibta iyo doomaha ka taga Somalia oo dhuxul laga baarayo

Image

October 25, 2014 (GO)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar ogolaanaya in la baari karo maraakiibta iyo doomaha ka taga Soomaaliya, si loo hubiyo inay shixnado dhuxul ah sidaan iyo in kale.

Qaraarka oo shalay oo Jimce ahayd la ansixiyey, waxaa golaha hor keenay dowladda Ingiriiska iyadoo 13 xubnood oo kamid ah 15-ka Goluhu ka kooban yahay ogolaadeen halka Jordan iyo Russia kahor yimaadeen.

Tallaabadan ayaa ah mid lagula dagaalamayo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo sanadkii 2012 Qaramada Midoobay xayiraad ku soorogtey maadaama la sheegay in kooxda Al-shabaab dhuxusha dhaqaale xooggani kasoo galo.

Dhanka kale, Golaha Ammaanku wuxuu shalay kordhiyey waqtiga hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM iyo weliba muddada Soomaaliya laga khafiifiyey cuna-qabateynta hubka iyadoo Goluhu isku raacay in la gaarsiiyo ilaa Nov30, 2015.

Gudiga Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea, ayaa warbixin cusub oo dhowaanta soo saareen ku sheegay in sanad kasta $250 milyan oo lacag ahi kasoo xerooto dhuxusha, lacagtaasoo saddex meelood hal meel gacanta u gasha Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM