Mareykanka oo $5 milyan ku goobaya horjooge ka tirsan Al-Shabaab
NAIROBI, Kenya - Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 5 milyan oo dollar dul-dhigtay horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo la rumeysan yahay in uu darajo sare ku dhex-leeyahay shabakadda argagixisadda ah muddo labo sano ah.
Jehad Serwan Mostafa, oo loo yaqaan Axmed Gurey kana qeyb-qaatay weeraro dhiig badan uu ku daatay, ayaa lagu daray liiska shaqsiyaadka ay doon-dooneyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Abaalmarinta Caddaaladda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Mostafa, oo haysta dhalashada Maraykanka, horena u degganaa gobolka California, uu mas’uul ka ahaa weerarro kala duwan oo ka dhacay Bariga Afrika gaar ahaan Kenya iyo Soomaaliya.
Xog la helay ayaa sheegeysa in Mostafa oo 41 sano jir ah, kana tirsanaan jiray FBI-da, uu ka qalin jabiyay Koleejka San Diego ka hor inta uusan ku laaban Soomaaliya 2005.
Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa sheegaya in uu ka qeyb qaatay weeraro ka dhan ah ciidamada Itoobiya ka hor inta uusan ku biirin Al-Shabaab ku dhawaad 2008-dii.
"Mostafa wuxuu Al-Shabaab ka caawiyey arrimo badan oo xasaasi ah, oo ay ka mid tahay in uu tababare ciidan ka soo noqday xerooyinka kooxda, leelinta xubnaha ajaanibka ah, xubin muhiim u ah garabka warbaahinta, dhexdhexaadiye u dhexeeya Al-Shabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah iyo isku-dabaridka kooxda is-miidaaminta," ayay wasaaradda ku tiri war qoraal ah.
Saraakiisha reer galbeedka ayaa rumeysan in Mostafa uu kaalin weyn ka cayaaray qorsheynta inta badan dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee lagu bar-tilmaameedsado ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee AMISOM.
"Sidaas darteeda, Mostafa wuxuu u muuqdaa mid wali u ooman in uu noqdo khatar toos ah oo ku wajahan ciidamadda Mareykanka, dadka shacabka ah iyo danaheena [gobolka]," ayay wasaaradda raacisay war-saxaafadeedka.
Toban sano ka hor, Mostafa ayaa laga dacweeyay degmada California ee dalka Mareykanka. Eeda ugu culus ee loo haystay waxay ahayd in uu agab u dhoofiyey Al-Shabaab iyo in uu ka taageero dhanka dhaqaalaha.
"Diisambar 2, 2019, eedeymo kale oo aan la shaacin oo laga furay maxkamadda federaalka ee Mareykanka ayaa Mostafa la xiriira dambiyo ku saabsan argagixisanimo," ayaa lagu daray bayaanka wasaaradda.
Mareykanka ayaa Soomaaliya ka caawiya dabargoynta Al-Shabaab. Washington waxay dalka kala baxdey ilaa 700 una wareejisay wadamadda Kenya iyo Jabuuti. Taliska AFRICOM wuxuu sheegay in talaabadaas ay wiiqdey ololaha ka dhanka ah kooxda.
GAROWE ONLINE