Mareykanka oo dalab cusub kasoo saartey doorashada Soomaaliya

Image
26 Xildhibaan ayaa ka dhiman Golaha Shacabka oo guud ahaan ka kooban 275 mudane.

WASHINGTON, USA – Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa ku baaqay in la dadejiyo Doorashada kuraasta ka dhiman Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee ku harsan Dowlad-Goboleedyada Hirshabeelle & Jubbaland.

Larry, waxa uu bogaadiyay jadwalka dhaarinta uu soosaaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ee 14ka April 2022 balse waqtigaas kahor ayuu soo jeediyay in la dhammeystiro Kuraasta dhiman.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadan Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay Xiliga la dhaarinayo Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare oo ah 14ka April 2022, taasi kama dhigna in dhammaan la dhammeystiri doono kuraasta balse way dhici kartaa, haddii xitaa la gaaro waqtiga dhaarinta waxaa doorashada lasii wadi karaa kaddib marka la dhaariyo Xildhibaannada sida dhacday 2016kii” ayuu yiri Danjire Larry Andre.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in Washington ay taageereyso cid weliba oo daneyneysa xasiloonida, Dib u dhiska, ka shaqeynta nabadda, Xasiloonida iyo Dib usoo laabashada awoodda Dalka.

“Waxa aan taageereynaa kuwa dooranaya in la dhiso Soomaaliya oo Amni ah, Barwaaqo ah nabadna ah waa taas iskaashiga aan la leynahay Mas’uuliyiinta Soomaalida, Dadka Soomaaliyeed & Bulshada Rayidka ku wajahan yahay, Danta Dadka Mareykanka ayaa ah in ay arkaan Soomaaliya oo guuleysata” ayuu yiri Danjire Larry Andre oo la hadlay VOA Somali.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa Muddo kooban Muqdisho kula kulmay Mas’uuliyiinta heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed, Madaxdii hore ee Dalka, Siyaasiyiin, Bulshada Rayidka, Haween, Ururro & dhinacyada Daneeya Arrimaha Soomaaliya.

26 Xildhibaan ayaa ka dhiman Golaha Shacabka oo guud ahaan ka kooban 275 Mudane, 16 kamid ah waa kuraasta Garbahaarey halka 10 kale Hir-Shabeelle ku harsan yihiin oo la filayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo.

Gobollada Waqooyi, Dowlad-Goboleedyada Puntland, Galmudug & Koofur Galbeed ayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ku wareejiyay Diiwaanka Xildhibaannada iyo natiijada codeynta ay ku guuleysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM