Mareykanka oo danjire cusub u soo magacowdey Soomaaliya

Image
Safiirka cusub ayaa waxa uu badalayaa Larry André oo xilka hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2022-dii.

WASHINGTON, United State - Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa u magacaabay diblumaasi Richard Riley inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Aqalka Cad.

Riley ayaa, sidda ku xusan bayaanka, waxa uu haatan ah  diblamaasi sare oo ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Ottawa, Canada gaar ahaan waxa uu qaabilsan arrimaha dhaqaalaha.

Horay waxa uu uga soo shaqeeyay Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo kuwo kale oo ka muhiimsan Yemen oo uu ka soo noqday ku xigeenka madaxa hawlgalka.

Howlgalka Ameerikaanka ah ee Soomaaliya, Richard Riley ayaa waxa uu xilka ka badalayaa Larry André oo tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore 2022-kii ku sugnaa magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM