Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Image

WASHINGTON, 28 May 2025 – Dowladda Mareykanka ayaa fariin adag u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ku boorrisay in uu xoogga saaro la-dagaallanka Al-Shabaab, halkii uu waqtiga iyo tamarta ku bixin lahaa loolanka ugu jiro inuu isku dhejiyo kursiga.

Fariintan ka timid Aqalka Cad ayaa muujinaysa walaaca sii kordhaya ee saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan khatarta Al-Shabaab oo kordhisay weerarradeeda iyo khilaafaad siyaasadeed oo hareeyay dowladda dhexe.

Saraakiil sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in Washington ay ka niyad jabsan tahay sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u maareynayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo la dareemayo in loollanka awoodda iyo heshiisyo siyaasadeed oo aan midnimo ku dhisneyn ay caqabad ku yihiin guulaha la gaaray.

Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay inay sii wadi doonaan taageeradooda ku aaddan amniga Soomaaliya, iyagoo garab taagan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika. Si kastaba ha ahaatee, waxay caddeeyeen in ay lagama maarmaan tahay in madaxda Soomaalida ay muujiyaan hoggaan mideysan oo xoogga saara danta guud.

Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya, Larry André, ayaa sheegay in kala qaybsanaanta siyaasadeed, loollanka beelaha, iyo is-qabqabsiga gudaha dowladdu ay yihiin caqabado dhab ah oo hortaagan nabadda iyo horumarka. Wuxuu uga digay madaxda Soomaalida inay si khaldan u isticmaalaan kalsoonida shacabka, taasoo laga dhaxli karo burbur siyaasadeed iyo amni darro.

Fariinta Mareykanka ayaa timid xilli Soomaaliya ay wajahayo marxalad kala guur ah oo ku aaddan dhammaadka dowladda hadda jirta iyo doorashadda oo laga cabsi qabo inay fowdo abuurto, maadaama Madaxweyne Xasan Sheekh nidaam isaga kusoo baxayo u dejiyay codbixinta 2026.

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

Toddobaadyada soo socda ayaa noqon doona kuwo xasaasi ah, iyadoo la filayo in mucaaradka shir ku yeeshaan Muqdisho, waxaana isku dayayaan inay ku cadaadiyaan dowladda inay joojiso nidaamka doorashadda aan heshiiska lagu ahayn, lana sameeyo hanaanka loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM