Saraakiil katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka oo soo jeediyay in la xiro Safaaradda Muqdisho 

Image

WASHINGTON - Sida uu qoray Wargeyska New York Times, Guulo cusub oo ay Al-Shabaab ka gaartay dagaalka gudaha Soomaaliya ayaa sababay in qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka soo jeediyaan in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Balse mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Gollaha Amniga Qaranka ee maamulka Trump ayaa ka digaya in talaabadaasi ay wiiqi karto kalsoonida lagu qabo dowladda dhexe ee Soomaaliya, isla markaana ay keeni karto burbur dowladeed.

Saraakiisha arintan soo jeediyay ayaa ka walaacsan dhacdooyinkii Benghazi, Libya oo 2012 lagu dilay safiirkii Mareykanka iyo Afghanistan oo qaran burbur ku dhacay 2021 markii Mareykanka Ciidanka kala soo baxay, taasoo keentay in maamulka Trump ka fekero amniga Safaaradda Muqdisho ku leeyahay.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa weli shaqaynaysa, iyadoo la sheegay in ammaanka si joogto ah loo qiimeeyo. Biden ayaa Safaaradda dib u diray October 2019 kadib ku dhawaad 28 sano oo xirnayd, waxaana xiligaas kadib sii xoogeysanayay xiriirka labada dal.

Saraakiisha wasaaradda Arrimaha dibadda waxay kaloo soo jeediyeen in askarta Mareykanka oo gaaraya 500-600 laga soo saaro Soomaaliya, lana joojiyo howlgallada la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish. Lama oga inuu Trump go'aankan fulin doono iyo inkale.

Kahor inta uusan Aqalka Cad ka tagin 2021, Trump wuxuu dhimay askarta Mareykanka ee joogta Soomaaliya, balse Biden ayaa sanadkii ku xigay dib usoo celiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM