Saraakiil katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka oo soo jeediyay in la xiro Safaaradda Muqdisho 

Image

WASHINGTON - Sida uu qoray Wargeyska New York Times, Guulo cusub oo ay Al-Shabaab ka gaartay dagaalka gudaha Soomaaliya ayaa sababay in qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka soo jeediyaan in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Balse mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Gollaha Amniga Qaranka ee maamulka Trump ayaa ka digaya in talaabadaasi ay wiiqi karto kalsoonida lagu qabo dowladda dhexe ee Soomaaliya, isla markaana ay keeni karto burbur dowladeed.

Saraakiisha arintan soo jeediyay ayaa ka walaacsan dhacdooyinkii Benghazi, Libya oo 2012 lagu dilay safiirkii Mareykanka iyo Afghanistan oo qaran burbur ku dhacay 2021 markii Mareykanka Ciidanka kala soo baxay, taasoo keentay in maamulka Trump ka fekero amniga Safaaradda Muqdisho ku leeyahay.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa weli shaqaynaysa, iyadoo la sheegay in ammaanka si joogto ah loo qiimeeyo. Biden ayaa Safaaradda dib u diray October 2019 kadib ku dhawaad 28 sano oo xirnayd, waxaana xiligaas kadib sii xoogeysanayay xiriirka labada dal.

Saraakiisha wasaaradda Arrimaha dibadda waxay kaloo soo jeediyeen in askarta Mareykanka oo gaaraya 500-600 laga soo saaro Soomaaliya, lana joojiyo howlgallada la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish. Lama oga inuu Trump go'aankan fulin doono iyo inkale.

Kahor inta uusan Aqalka Cad ka tagin 2021, Trump wuxuu dhimay askarta Mareykanka ee joogta Soomaaliya, balse Biden ayaa sanadkii ku xigay dib usoo celiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM