Mareykanka oo ka hadlay masiirka taageerada uu siiyo Soomaaliya
WASHINGTON, USA – Dowladda Mareykanka ayaa u aqoonsatay Soomaaliya "saaxiibka ugu weyn" ee ay ka taageerto arrimaha amaanka, xasiloonida iyo gargaarka bini’aadantinimo, iyada oo intaa ku dartay in ay ka go’an tahay in ay sii wado dimuqraadiyeynta dalkaan ku yaalla Geeska qaarada Afrika.
Tobaneeyo sano, Soomaaliya waxa ay ku jirtay burbur intastoo 20-ka sano ee la soo dhaafay ay dalka ka jirtay dowlad jilicsan oo ay maalgashi badan sameeyeen dhinacyo kala duwan, kuwaas oo si joogto ah gacan uga geystay dib u dhiska dalka.
Inta badan hay’adaha dowliga ah ee dalka waa kuwo aan shaqayn iyada oo qaarkood lagu naafeeyay weerarada ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa u sheegay Idaacadda Codka Mareykanka VOA in Washington ay ka go’an tahay in ay taageerto soo nooleynta Soomaaliya si ay u noqoto dal xasiloon, nabad ah, oo dimoqraadi ah.
"Iyadoo loo marayo bixinta gargaarka bini'aadantinimo, amniga, iyo horumarinta, waxaan sii ahaanaynaa deeq bixiyayaasha ugu weyn ee Soomaaliya," ayuu yiri, iyada oo ay socdaan doorashooyin maxalli ah oo uu maalgeliyay Mareykanka balse aan weli la soo gabagabeyn.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeysaneysa in Mareykanka uu yahay hormuudka kaalmeynta dimuqraadiyeynta dalka, iyadoo dhanka kale cambaareysay kuwa isku dayaya inay aamusiyaan dadka dhaliilsan sababo la xiriira aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.
"Waxaan u taagannahay ilaalinta booska siyaasadeed iyo guulaha dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya, xorriyadda hadalka kuwaasoo aasaas u ah dimoqraadiyadda, ka hadalka siyaasadda dhabta ah waa in lagu daraa fikrado kala duwan. Mareykanka wuxuu cambaareynayaa isku dayga lagu aamusiyo kuwa u ololeeya mabaadi'daas," ayay tiri safaaradda.
Isagoo ka hadlayay xoriyadda saxaafadda Soomaaliya, danjire André wuxuu sheegay in Mareykanka ay ka go'an tahay taageeridda xorriyadda saxaafadda caalamka. Saxafiyiinta ayaa sidoo kale la kulma dhibaatooyin marka ay tabinayaan shaqooyinka dalka.
"In tababaro la siiyo saxafiyiinta iyo u doodista xorriyadda hadalka ee Soomaaliya ayaa ah mudnaanta koowaad ee Muqdisho," ayuu hadalkiisa ku daray ergayga oo howshiisa ugu weyn ay tahay inuu xaqiijiyo in dalka ay doorasho ka dhacdo dhowrka maalmood ee soo socda.
Madaxweynaha xilka ka degaya ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa inta badan lagu eedeeyaa inuu ciidamada ammaanka u adeegsaday aamusinta dadka dhaliila. Ciidamada amaanka ee Gorgor iyo Haramacad ayaa horey loola xiriirinayey qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira.
GAROWE ONLINE