Mas'uulkii labaad oo 24 saac gudahood Muqdisho lagu diley

Image

November 12, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa saaka lagu diley gudoomiye ku-xigeenkii degmada Hawl-wadaag Maxamed Yuusuf Hilaal.

Dabley hubeysan oo gaari yar watey ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen gaariga mas'uulka geeriyoodey xilli uu marayey isgoyska KM-4.

Rasaasta waxaa sidoo kale ku geeriyoodey askari ilaalo u ahaa iyo haweeney gaari goobta marayey la socotey sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Hawl-wadaag.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo 24saac gudahood ah magaalada Muqdisho loogu geysto mas'uul ka tirsanaa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka gudoomiye ku-xigeenkii degmada Hawl-wadaag Maxamed Yuusuf Hilaal iyo taliyihii waaxda socdaalka ee garoonka Muqdisho  Maxamuud Maxamed Cadow oo isna gelinkii dambe ee shalay Muqdisho lagu diley.

Weerarada gaadmada ah ee Al-shabaab la beegsanayso mas'uuliyiinta Dowlada Federaalka ayaa sanadkan aad kor ugu kacay, waxaana xusid mudan in ku dhowaad 20 sarkaal oo dowladda ka tisanaa islamarkaana shan xildhibaan ku jireen qaabkan oo kale lagu diley.

Hay'adaha ammaanka oo todobaadyadii u dambeeyey wadey hawlgallo ammaanka lagu sugayo, waxay gacanta ku dhigeen in ka badan boqol qof oo lala xiriirinayo Al-shabaab, hub iyo goobo la sheegay in lagu diyaarin jirey qaraxyada laguna xereyn jirey gawaarida weerarada lagu fuliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM