Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya
JABUUTI – Masar iyo Jabuuti ayaa ku dhawaaqay in kaliya dalalka xuduudda la leh Badda Cas iyo Gacanka Cadan ay masuul ka yihiin amniga iyo maareynta badda muhiimka ah, iyadoo xiisado goboleed ay ka soo baxayaan arrimaha marinada badda.
Bayaan wadajir ah ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi uu kula hadlay Madaxweyne Ismail Omar Guelleh amniga gobolka, arrimaha Badda Cas, ganacsiga, iyo khataraha sii kordhaya ee ka jira Geeska Afrika.
"Waxaan caddeynay diidmadeena adag ee falalka khatarta gelinaya amniga Badda Cas, oo kamid ah marinada ganacsiga caalamiga ah," ayuu yiri el-Sissi kadib shir jaraa'id oo wadajir ah, isagoo muujinaya sida Masar iyo Jabuuti ay uga go’an tahay xasilloonida badda.
Madaxweyne Guelleh ayaa adkeeyey muhiimadda in la ilaaliyo Bab el-Mandeb, oo ah goob istiraatiijiyad leh oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. "Waxaan taageeraynaa ganacsiga badda ee xor ah iyo isku xirka wadamada gobolka si loo ilaaliyo marinada muhiimka ah," ayuu yiri.
Hoggaamiyayaashu waxay sidoo kale ka wada-hadleen arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan, iyo dadaalka Itoobiya ee ay ku doonayso inay hesho marin toos ah oo Badda Cas ah, taasoo kor u qaadday xiisadaha kala dhaxeeya Masar iyo dalalka kale ee xeebaha leh.
Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo sheegay in Badda Cas ay muhiim u tahay jiritaanka qaran ee Itoobiya. "Badda Cas iyo Webiga Niilku waa ilaha dabiiciga ah ee muhiimka ah u ah horumarka Itoobiya," ayuu yiri Abiy sanadkii hore, isagoo u doodaya in Itoobiya ay hesho marin badeed.
Bayaanka ka soo baxay xafiisyada labada madaxweyne ayaa sidoo kale si weyn loogu taageeray Soomaaliya oo hadda ku jirta marxalad adag oo dhanka amniga, maadaama ay wajahayso dagaal xooggan oo uga imaanaya Itoobiya.
GAROWE ONLINE