Masar oo Soomaaliya usoo diraysa Ciidanka labo qorshe fulinaya iyo Itoobiya oo isha ku haysa

Image

QAAHIRA - Dowladda Masar ayaa sheegtay inay diyaar yihiin kumanaan askari oo dhawaan loo soo dirayo dalka Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka noqon doono howlgalka cusub ee AUSSOM, oo billaabanaya bisha January 2025.

Xili Masar ku doodayso in Ciidanka ka shaqeyn doonaan xasilinta Soomaaliya, haddana waxaa laga digay colaad cusub inay ka abuuraan gobolka Geeska Afrika, maadaama Itoobiya ay kasoo horjeedo imaanshadooda dalka ay deriska yihiin, oo askarteeda ku sugan yihiin.

Wasiirka difaaca Masar Mohamed Zaki ayaa booqday dhawaan saldhigyada lagu diyaariyay askarta kusoo wajahan Soomaaliya oo tiradooa wali la shaacin, balselau qiyaasayo illaa 10,000 oo askari, kuwaasoo hub culus iyo taangiyo la imaan doono, si ay hormuud ugu noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Tababar dheeraad ah ayaa la siiyay Ciidanka Masar maadaama loo soo dirayo dal mudo dagaallo ka socdeen, islamarkaana ku xoog badan tahay Al-Shabaab, oo ah koox katirsan Al-Qaacida, oo lagu bartay weerarada saldhigyada askarta ajnabiga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Masar ay ku howlgali doonaan labo waji, kuwa AUSSOM kamid ahaan doono iyo kuwa heshiis amni ku shaqeyn doono, sida kuwa Itoobiya oo kale, oo qaar badan aanay katirsanayn ATMIS. Waxaa Muqdisho soo gaarey dhawaan taliyaal sare iyo la-taliyaal diyaarinaya goobaha la geynayo Ciidanka Masar.

Ciidamada Masar ee imaanaya Soomaaliya ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay Itoobiya, taasoo u aragta tallaabadan mid halis toos ah ku ah xasiloonida gobolka. Heshiiska gaarka ah ee ay Itoobiya la gashay Somaliland ee badda, ayaa sii xumeeyay xiriirka dowladda Soomaaliya, waxaana xiisadooda gaartay hadda meeshii ugu sareysay.

Waxaa mudooyinkii dambe la arkayay Taliyaha Ciidanka Itoobiya oo booqanaya saldhigyada xadka Soomaaliya ku yaalla, oo lagu diyaariyay askar badan oo sida muuqata kahor tagaya Ciidanka Masar haddii xadka dalkaas ku dhawaadaan.

Loolanka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya wuxuu halis gelinayaa waxtarka AUSSOM. Al-Shabaab, ayaa weli ka talisa dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka. Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in dib u dhaca ku yimaada kala guurka ATMIS iyo AUSSOM oo kooxda siin karto fursado ay dib ugu soo ceshato dhulkii laha saaray.

Masar ayaa la sheegay in danaha webiga Nile inay u imaanayso Soomaaliya, iyadoo rabta inay cadaadis militeri saarto Itoobiya si ay u joojiso biyo-xireenka ballaaran oo soo socday dhismihiisa tan iyo 2011, kuna baxday illaa 5 billion oo dollar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM