Masar Oo Wacad Ku Martay Inay Difaacayso Badda Soomaaliya

Image

QAAHIRA - Masar ayaa si adag u ballan qaaday in xeebaha Soomaaliya ay ka ilaalin doonto duulaan dibadeed, iyadoo ku doodeysa in isku dayga dal kasta uu doonayo inuu xoog ku galo Badda Cas uu dhaawacayo xasiloonida gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Badar Abdelatty ayaa sheegay in "aan la aqbali karin joogitaanka dhinac kale oo aan ahayn dalalka xeebaha leh ee Badda Cas". Hadalkaan ayuu sheegay mar uu Qaahira kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Itoobiya ayaa dagaal ugu jirtay sidii ay badda cas uga soo gali lahayd dhanka Somaliland balse baadigoobkaas waxay kala kulantay diidmo kaga timid dhinaca Soomaaliya. Labada dal ayaa ku heshiiyey Turkiga balse Soomaaliya ayaa sheegtay in Itoobiya ay weli ku mashquulsan tahay dhulkeeda.

Laakin Fiqi ayaa xusay in wadahadalkii Ankara ay gacan ka geysteen sidii loo dejin lahaa xaaladda gobolka. Fiqi ayaa xusay in dadaalladan diblumaasiyadeed ay ku guulaysteen in la xakameeyo khilaafka ka dhashay heshiiskii Axmed Axmed iyo Muue Biixi ee badda.

Fiqi wuxuu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waxaa socda doodo farsamo oo lagu raadinayo xalka ugu habboon ee Itoobiya, waxayna tilmaamuhu muujinayaan in Soomaaliya ay ka ganacsan karto gelitaanka.

Labada wasiirba waxay soo gabagabeeyeen kulankoodii Qaahira iyagoo saxeexay bayaan wadajir ah oo ay ka go'an tahay inay sare u qaadaan xidhiidhka dalalkooda "heerka iskaashi istaraatiijiyadeed oo dhamaystiran." Soomaaliya ayaa dhawaan la saxiixatay Masar heshiis difaac ah oo lagu ilaalinayo madaxbanaanida dhulkeeda iyo madax banaanideeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM