Mas'uul kale oo katirsan Xukuumadda Khayre oo loo xiray Musuqmaasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay dhageysato codsi ka yimid Qareenadda Cabdishakuur Aadan Maxmuud, kaasoo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, islamarkaana lagu soo eedeeyay musuq-maasuq.

Cabdishakuur, oo si gaar ah uga tirsan Waaxda Qandaraasyadda ee Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu xabsi ku jiraa muddo Todobaadyo ah, isagoo lagu soo eedeeyay wax isdabamarin, sida ay sheegtay xeer-illaalinta.

Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed, oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u sheegay warbaahinta in maanta ay u fariisan doonan kiiska dhageysiga codsiga damaanad kusii daynta eedaysane Cabdishakuur Aadan Maxmuud.

"Codsiga oo ay soo gudbiyeen Qareenadda eedaysanaha, waxaa go'aan kama dambeys ah kasoo saari doonta Maxkamadda maanta, maadaama dhageysiga loo madalsan yahay inay maanta qabsoonto," ayuu Gudoomiye Muuse hadalkiisa raaciyay.

Hadalka Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed, oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii ay soo kordhayaan masuuliyiinta ka tirsan dowladda ee musuq-maasuq loo xirayo, islamarkaana xabsiga la dhigayay.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa mar sii horeysay ku nuux-nuux saday in dowladdu ay gacan bir ah ku qaban doonto cid walba oo lagu helayo lunshada Hantida Qaranka, lana xiri doono.

Musuq-maasuq oo noocyo kala duwan leh ayaa la sheegaa inuu kamid yaay waxybaaha Jilbaha dhulka udhigay Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo haatan ku jira soo kabasho, inkasta oo ay jiraan caqabado waa wayn oo ku hor-gudban oo uu ugu horeyso "xatooyada xoolaha qaranka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM