Mataanihii ku dhintey madaafiicda ay ku tuurayeen Villa Soomaaliya

Image
Labadan qof ayaa lagu waramay in ay la dhasheen Bilaal Al-Sudani, ajnabigii ugu sareeyay ISIL-Somalia ee la dilay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Faraca Daacish ee Soomaaliya ayaa qabsadey baraha bulshadda kadib markii howlgal gaar ah lagu dilay mid ka mid ah dagaalyahanada Ajaanibta ah ugu sareysay kooxdaas Bilaal Al-Sudani.

Mareykanka oo ciidamadiisa ay fuliyeen howlgalkaas ka dhacay buuraha Cal-Miskaad ee Puntland ayaa bogaadiyay dilka Al-Suudaani oo la aaminsan yahay in uu ahaa ajnabiga ugu sareeyay ISIL-Somalia.

Xukuumadda Washington ayaa Al-Suudaani waxay ku tilmaamtay in uu ahaa "fududeeyaha iyo isku-xiraha shabakada caalamiga ah ee ISIS kuna lug-lahaa ajaaniib badan oo ku biirtey maleyshiyaadka".

Sarkaal ka soo goostay ISIL oo diiday in magaciisa la shaaciyo sababo ammaan dartood ayaa VOA-da u sheegay in Al-Sudani aanu ahayn oo kaliya hawl-wadeenka maaliyadda kooxda balse uu ahaa ku xigeenka amiirka guud.

Al-Sudani oo magaciisa saxda ah uu yahay Suhayl Saalim ayaa Soomaaliya yimid 2006-dii isaga iyo walaalkii Suhayb, sidda ay sheegeen dagaalyahannada ka goostay.

2006-dii waa sanadkii ay Maxkamadaha Islaamiga la wareegeen inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay ka adkaadeen hogaamiye kooxeedyadii uu Maraykanku taageerayey.

Cumar Maxamed Abuu Ayaan oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab ayaa sheegay in Al-Sudani uu la dhashay walaalo mataano ah oo dhintay sanadka markii uu ahaa 2008-dii.

Sidda laga soo xigtey Abuu Ayaan, dhimashadaas ayaa ka dambeysay kadib markii madaafiic ay ku tuurayeen Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ay ku qaraxdey kadib markii ay cilad farsamo ku timid.

Abu Ayan ayaa tibaaxay in Al-Suudaani uu door ku lahaa Itoobiyaan cusub oo ku biiray ISIL-Somalia. "Wuxuu la yimid fikradda ah inuu dacaayadda Daacish u turjumo afka Amxaariga, isagoo beegsanaya Itoobiya," ayuu xusay.

Inkasta oo ay wajahayaan cadaadis iyo xayiraadyo, Daacishta Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in "saamayn aan habboonayn" ku leedahay gudaha Soomaaliya iyo shabakadaha Dawladda Islaamka.

Meelaha ay saraakiisha mukhaabaraadka saadaaliyeen ayna ka digayaan in ay isku fidinayaan ayaa waxaa kamid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Uganda iyo Mozambique oo dhacda koonfurta Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM