Maxaa ka soo kordhay khilaafka Guudlaawe iyo Dabageed?

Image
Ilo ku dhow kulanka ayaa Garowe Online u sheegay in labada nin ay u bilowdeen wadaxaajoodyo.

BELEDWAYNE, HirShabelle – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa laga dhex bilaabay waan waan lagu dhex dhexaadinayo ka dib khilaaf xooggan oo ka dhashay muranka kuraasta golaha shacabka ee taalla magaaladda Beledweyne oo ay saamayn xooggan ku leedahay kooxda olaha Farmaajo oo doonaysa in ay soo saarato xildhibaano taabacsan.

Wadahadallada u socdo Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ayaa diiradda lagu saarayaa xal u helidda muranka ka dhashay doorashada, gaar ahaan kuraasta taalla Beledweyne.

Ilo ku dhow kulanka ayaa Garowe Online u sheegay in labada nin ay ka wada xaajoonayaan hab maamulka kuraasta la’isku hayo, si xal looga gaaro dhameystirka doorashada Beledweyne.

Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa ayaa isla meel dhigi doono xal u helida khilaafka ka dhex-qarxay ee ka dhashay in tartanka la daah furo ama kuraasta in loo xiro dad gaar ah, taas oo xaalad cusub ka abuurtay magaalada Beledweyne.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Maamulka ayaa u xaqiijiyay GO in qorshuhu yahay in wadahadallada haatan socdo laga soo saaro go’aanno xasaasi ah oo la xiriira hab maamulka doorashada iyo amniga magaaladda Beledweyne.

“Kuraasta muranku ka taaganyahay waa kuwa beesha Xaawaadle Cali Guudlaawe oo dalbanayaa in tartanka kuraasta la furo halka Dabageed dalbanayo in loo madax baneeyo kuraasto beesha si uu ugu xiro shaqsiyaad uu wato” sarkaal ka tirsan Madaxtooyada ayaa u sheegay GO.

Doorashada Beledweyne ayaa soo martay marxalado kala duwan maadaama ay ku soo aaday xilli ay magaaladaas ka jirtay xiisad la xiriirta dhismaha maamulka Hirshabelle.

Is jiid jiidka hoggaanka sare ee Hirshabelle ayaa dib u dhigi kara doorashada maamulkaasi, maadaama la joogo xilligii lagu balamay in lagu soo idleeyo doorashada Baarlamaanka.

Maamulka Hirshabeelle, waxaa kaalin muuqata ku leh kooxda Ololaha madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo oo horay u saaray xubno ay ka mid yihiin Fahad Yaasiin Daahir iyo Daahir Aamin Jeesow oo u ololaynaya dib u doorashada Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM