Maxaa kasoo baxay kulanka Rooble iyo Midowga Musharaxiinta?

Image
Is-aragan ayaa ku qabsoomay qaab maqal iyo muuqaal iyadda oo inta badan xubnahan ay joogaan Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta wuxuu habka fogaan aragga shir kula yeeshay Midowga Musharrixiinta, sida uu xaqiijiyey xafiiskiisa.

Dhinacyada ayaa waxay "ka wada hadleen arrimaha dhammeystirka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya, dhaarinta xildhibaannada iyo dhammeynta arrimaha doorashooyinka ee turxaan bixinta u baahan".
 
Rooble ayaa Midowga Musharaxiinta warbixin ka siiyay halka ay marayaan hawlaha doorashooyinka, u diyaargarowga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada iyo dadaalladiisa ku aaddan xal u helista arrimaha harsan ee doorashada la xiriira.

Wasiirka koowaad ayaa ku adkeystay in ay ka go’an tahay in jadwalka dhaarinta xildhibaanada uu u dhaqan galo sidii ay u soo saareen Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, isagoo sheegay in dhaarinta xildhibaanada ay dhici doonto 14-ka Abriil oo ah xiliga loo asteeyay.
 
Dhanka kale, Midowga Musharrixiinta oo qoraal soo saarey ayaa waxay shaaca ka dhigeen in ay garab taagan yihiin dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dhammeystirka doorashooyinka.

Qoraalka ayaa hoosta looga xarriiqey in uusan jirin xal aan ahayn in jadwalka doorashadu u dhaqan galo sidii guddigu doorashadu u soo saaray, 14-ka bishana la dhaariyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad ee dalka, iyadoo lagu dhinac wadayo xal u helista arrimaha taagan.
 
Kulanka Raysal Wasaaraha ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay uu soo saaray waraaq uu dalka kaga eryayo ergaygii Midowga Afrika, Francisco Madiera.

Madiera oo faraha la galay arimo ka baxsan diblomaasiyadda iyo hawlihii uu u xilsaarnaa ayay musharaxiintu dhankooda wwaxay xuseen  in ay taageerayaan go’aankii xukuumadda xilgaarsiinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM