Maxaa kasoo baxay kulanka Rooble iyo Midowga Musharaxiinta?

Image
Is-aragan ayaa ku qabsoomay qaab maqal iyo muuqaal iyadda oo inta badan xubnahan ay joogaan Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta wuxuu habka fogaan aragga shir kula yeeshay Midowga Musharrixiinta, sida uu xaqiijiyey xafiiskiisa.

Dhinacyada ayaa waxay "ka wada hadleen arrimaha dhammeystirka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya, dhaarinta xildhibaannada iyo dhammeynta arrimaha doorashooyinka ee turxaan bixinta u baahan".
 
Rooble ayaa Midowga Musharaxiinta warbixin ka siiyay halka ay marayaan hawlaha doorashooyinka, u diyaargarowga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada iyo dadaalladiisa ku aaddan xal u helista arrimaha harsan ee doorashada la xiriira.

Wasiirka koowaad ayaa ku adkeystay in ay ka go’an tahay in jadwalka dhaarinta xildhibaanada uu u dhaqan galo sidii ay u soo saareen Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, isagoo sheegay in dhaarinta xildhibaanada ay dhici doonto 14-ka Abriil oo ah xiliga loo asteeyay.
 
Dhanka kale, Midowga Musharrixiinta oo qoraal soo saarey ayaa waxay shaaca ka dhigeen in ay garab taagan yihiin dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dhammeystirka doorashooyinka.

Qoraalka ayaa hoosta looga xarriiqey in uusan jirin xal aan ahayn in jadwalka doorashadu u dhaqan galo sidii guddigu doorashadu u soo saaray, 14-ka bishana la dhaariyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad ee dalka, iyadoo lagu dhinac wadayo xal u helista arrimaha taagan.
 
Kulanka Raysal Wasaaraha ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay uu soo saaray waraaq uu dalka kaga eryayo ergaygii Midowga Afrika, Francisco Madiera.

Madiera oo faraha la galay arimo ka baxsan diblomaasiyadda iyo hawlihii uu u xilsaarnaa ayay musharaxiintu dhankooda wwaxay xuseen  in ay taageerayaan go’aankii xukuumadda xilgaarsiinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM