Maxaa kasoo baxay Shirka Soomaaliya iyo Itoobiya ku yeesheen Ankara?

Image

ANKARA - Kulanka ugu horeeya ee wada-xaajoodyada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo lagu saleynayo Heshiiska Ankara ee la ansixiyay 11kii Diseembar 2024, ayaa maanta ka dhacay magaalada Ankara, iyadoo martigeliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan.

Wada-xaajoodyada waxaa ka qayb galay wafdiyada oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dr. Gedion Timothewos, iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Ali Mohamed Omar.

Heshiiska Ankara, oo ay saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa lagu soo bandhigay aragti cusub oo lagu higsanayo mustaqbal dhaqaale iyo amni oo ka wanaagsan, iyadoo uu fududeeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Kulanka maanta ee wada-xaajoodyada farsamo, labada dhinac ayaa muujiyeen go’aankooda ku aaddan hirgelinta Heshiiska Ankara si dhab ah, iyagoo bilaabay shaqada dhabta ah ee lagu beddeli doono aragtida cusub ee lagu higsanayo horumar waara oo labada dalba ka faa’iidaysan doonaan.

Labada dhinac waxay si aad ah uga mahadceliyeen taageerada Turkiga ee sii xoojineysa wada shaqeynta, iyagoo sidoo kale diyaar u ah in la qabto kulanka farsamo ee xiga bisha Maarso 2025.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM