Maxaa kursiga Bashiir Goobe looga dhigay qoondo dumarka?

Image
Fahad ayaa meesha ku saaray qorshe uu xildhibaan ku noqon lahaa taliyihii hore ee hay’adda NISA.

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahad Yaasiin, taliyihii hore ee NISA ayaa ku guulaystay cadaadis uu ku haayay madaxweynaha maamulka Galmudug si uu tartanka doorashada golaha shacabka uga reebo Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo raadinayay kursiga yaalla Gaalkacyo si uu ugu tartamo gudoomiye ku xigeenka golaha shacabka.

Fahad ayaa meesha ku saaray qorshe uu xildhibaan ku noqon lahaa taliyihii hore ee hay’adda NISA Jeneraal Bashiir Goobe, taasi oo sare u qaaday rajada uu ka qabo in uu ku guulaysto gudoomiye ku xigeenka golaha shacabka.

Kursiga HOP018 oo uu u sharaxnaa Bashiir Goobe ayaa loo asteeyay dumar, waxaana kusoo bixi doona qof uu isaga keensaday, taasi oo meesha ka saartay qorshihii xildhibaannimo ee Bashiir Goobe.

Sida uu Ogaaday GO, in kursigan loo asteeyo dumar ayaa waxaa kaalin xooggan ku lahaa oo dadaal badan ku bixiyey Fahad, si aanu Bashiir usoo gelin golaha shacabka ka dibna uusan ula tartamin.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Bashiir Goobe aanu soo gelin doonin Golaha Shacabka, islamarkaana aanu isku sharxeyn xill guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, oo uu Fahad aad uga baqayay Bashiir Goobe inuu isu sharaxo haddii uu xildhibaan noqdo.

Si kastaba, in meesha la aga saaro Bashiri Goobe kama dhigna in Fahad uu si sahlan ku qaadan doono kursigan, balse wuxuu iska leexiyey un mid ka mid caqabadaha badan ee ku gadaaman isku daygiisa.

Loolanka kursiga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa ah mid xooggan oo ay ku loolami doonaan dhinacyo kala duwan, waana ay saadaasha koowaad ee kooxda Farmaajo ku tijaabinayaan isku daygooda dib ugu soo laabashada xukunka.

Haddii kooxda Farmaajo iyo Fahad looga adkaado kursigan waxay ka dhignaan doontaa in rajadooda xilka madaxweynaha ay aad u yar tahay, halka guul ay ka gaaraan ay saadaal wanaagsan siineyso.

Isku daygan oo kale ayaa guuldareystay sanadkii 2017 markii Faarax Cabdulqaadir oo saaxib la ahaa madaxweyne Xasan Sheekh looga adkaaday doorashadii guddoomiye ku-xigeenka koowaad, taasi oo muujisay in Xasan Sheekh aanu dib usoo laabaneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM