Maxaabiis dil lagu xukumay oo ka baxsaday xabsiga Beledweyn

Image

October 15, 2014 (GO)- Ugu yaraan todoba maxbuus oo qaar horay dil loogu xukumay ku jiraan ayaa ka baxsaday xabsiga dhexe ee degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim ayaa xaqiijiyey baxsashada maxaabiista.

Waraysi uu siiyey idaacada VOA laanteeda afka soomaaliga wuxuu ku sheegay in dadka fakaday ku jireen qaar ku eedeysnaa inay ka tisan yihiin Ururka Al-shabab.

Mar la weydiiyey sababta keentay arintan iyo weliba inay cadayn u hayaan in maxaabiistaas si ulakac ah loo fasaxay iyo in kale, wuxuu sheegay inaysan jirin cid maxaasbiistaas gacan ku siisay inay baxsadaan.

Maxaabiista ayaa dalooliyey gidaarka xabsiga iyagoo adeegsanaya weel bir ka sameysan oo cunto loogu geeyey kana faa'iideystey roob da'ayey iyo gidaarka oo xiligaas qoyanaa.

Xabsiga degamada Beledweyne wuxuu kamid yahay kuwa ugu qadiimsan xabsiyada ku yalla dalka, mana helin wax dayactir ah mudooyinkii u dambeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM