Maxamuud Sayid Aadan oo sharaxaad ka bixiyey safarkiisii Itoobiya

Image
Madaxwayne ku xigeenka Jubaland ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay masiirka gobolka Gedo.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay faragelin ku heyso arrimaha Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo oo lagu muransan yahay.

Isagoo ka hadlayay degmada Doolow ee gobolka Gedo Axaddii, Aadan ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda federaalka inay ilaaliyaan sharciga oo ay joojiyaan awaamiirta aan sharciga ahayn.

Aadan ayaa sidoo kale gaashaanka u daruuray booqashadii uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya, isagoo carabka ku dhuftay in uu diiradda saarayay sidii loo wanaajin lahaa wada shaqeynta dhanka amniga ee Jubbaland iyo dowladda Itoobiya, kadib markii dowladda Federaalka ay si degdeg ah u damacday in ciidamada ATMIS-ka laga saaro qeybta 3-aad oo markii hore loo qorsheeyay December.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale cambaareeyay wasiirka amniga dowladda federaalka C/llaahi Fartaag iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo booqasho ku tagay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan maamulka Jubbaland ku eedeysay in ay gacan saar la leeyihiin Al-Shabaab oo dhawaan weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ku sugnaa deegaanka Raaskambooni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Weerarkan ayaa sababay in ciidamada XDS dib u gurtaan, taasoo sii xumaynaysa xiriirka Muqdisho iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Wararka ka imaanaya dhanka dowladda ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay soo mareen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab ka hor inta aysan duulaanka qaadin, iyadoo madaxda Jubbaland ay si weyn u beeniyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM