Maxay kooxda Farmaajo isku dabaridaysaa 12-ka April?

Image
Sanadkii hore maalintan oo kale, nidaamkan waqtigu ka dhacay ayaa horseeday dagaal ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya – Digniin ayaa laga soo saaray ujeedooyinka guracan ee madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo damacsanyahay 12 April maalinka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, xilli dalka uu ka jiro khilaaf doorasho iyo qalqal amaan oo gaaray madaxda ugu saraysa waddanka.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Garowe Online u sheegay in Kooxda Villa Somalia diyaarinayso qorshe loogu yeeray “Shirqool” oo lagu doonayo in dalka gacanta loogu galiyo ciidamo milatari ah oo ka mar qaata Farmaajo iyada oo mar marsiyo laga dhigayo qoraal ay habeen ka hor soo saartay NISA oo lumisay kalsoonida shacabka iyo siyaasiyiinta.

“Waxay u badan tahay in hadalkaan uu ka dhawaaqi doono taliyaha milatariga oo fulinaya amarka madaxweynaha sidoo kale xiganaya qoraalkii NISA ee amniga darada, khilaafka doorashada iyo dagaalanka Al Shabaab," ayuu sarkaal amaan oo diiday in aan magaciisa xigano sababtoo ah looma ogola in uu ka hadlo arinkaan oo xasaasi ah awgeed.

Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in qorshaha uu ku jiro in lagu dhawaaqo "in lalaalay dastuurka dalka si loo soo celiyo amniga iyo kala dambaynta iyada oo kala dirayo Xukuumadda iyo Baarlamaanka".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiya xisbiga Wadajit oo sheegay in uu warkan ku helay "xog sugan" ayaa dalbaday baajinta "dabaaldegga 12-ka April ee ajandaha gurracan lagu hoos abaabulayo".

"Waana in la joojiyaa dabaaldegga ajandaha gurracan lagu hoos abaabulayo ee 12ka April, maadaama aan 3 sano ee ugu danbaysay aan la qaban," ayuu yiro Warsame.

Dhanka kale General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) ayaa  si adag u diiday waxa uu ugu yeeray  afgambi Farmaajo damacsan yahay 12-ka April, oo ah maalinta xuska Ciidanka Xooga dalka.

"Xoogaga yar iyo garaadada"

Indha-Cade ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay qorshaha Farmaajo, isaga oo ciidamada qeybahooda kala duwan ugu baaqay inaysan ku kadsoomin damaciisa, oo aan loo adeegsan dadkooda.

“Dadkaan lagu dhaaranayo oo qoryaha sita oo ciidanka iyo saraakiisha ah ee la siiyay garaadada ee la rabo inay dadkooda ku laayan waa dad damiir leh, Farmaajow garaadaha ha iska bixin wiilashaan dadkooda layn maayaan,” ayuu yiri.

“Wiilasha waxaa leeyahay jaaniska ka faa’iideysta oo lacagta iyo garaadaha qaata, warkaaga yeelanya dhaha oo shaqadiina qabsada, yuusan jaaniska idin dhaafin. Xoogaga yar iyo garaadada waa ka qaadanayaan waana iska kaa dhicinayaan.”

Xuska maalintaan lama qaban saddexdii sano ee la soo dhaafay iyada oo la sababeeyay faafitaanka xanuunka Coronavirus oo caalamka ku dhaafay.

Farmaajo sanad ka hor 12 April 2021, isaga oo kaashanaya gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sheegay in uu ku darsaday labo sano mudo kordhin ah taas oo dhalisay dagaal ka qarxay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

12-ka bisha April,waxa ay ka mid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaaldego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, maadaama CXDS la aasasay Sanadkii 1960-kii iyada loo la dhisay cududii ugu horeysay ee laf-dhabarka u ah dowladnimada, isla markaana kaalin ka qaadatay  ammaanka guud ee gobolka iyo gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Dagaalyahan oo Daacish Ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM