Maxay Somaliland uga Walaacsan Tahay Booqashada Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood?

Image

HARGYESA, Soomaaliya - Booqashada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ee magaalada Laascaanood, ayaa sababay walaac weyn oo Somaliland ma muujisay, maadaama magaaladda iyada laga fara-maroojiyay 2023. Somaliland, ayaa u aragta booqashada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya mid iyada xad-gudub iyo faragelin.

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa booqashadiisa ku muujiyey taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya ee shacabka SSC-Khaatumo. Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay dardar geliso horumarinta iyo taageerada adeegyada bulshada ee Maamulka dhawaan la dhisay.

“Booqashada Xamse ee Laascaanood, waxaan u aragnaa hadal xadgudub ah, hadal daandaansi ah, hadal xasarad abuur ah hadal colaad hurin ah," ayuu yiri wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Axmed Yaasiin.

Dowladda Soomaaliya, dhanka kale, waxay u aragtaa booqashadan inay tahay mid caadi ah oo la xiriirta gaarsiinta adeegyadeeda dhammaan gobollada dalka, iyada oo aan ahayn mid siyaasadeysan oo cid gaar ah wax loogu dhimayo.

Arrintan ayaa sidoo kale abuurtay xiisad cusub, iyadoo Xamse saacadaha soo aadan uu tagayo Laascaanood, oo uga sii hormaray Ciidamada ilaalinaya amnigiisa, shaqaalaha xafiiskiisa iyo mas'uuliyiin kale. Lama oga inta ay qaadan doonto booqashadda.

“Xamsow waxaad Laascaanood u timaadaa waa inaad xaabo ka dhigato Dadka Reer Laascaanood, oo Doorasho cusub oo dhiig Soomaali ku daato halkaa ka abuurto," ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka warfaafinta Somaliland, iyadoo uu ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabo ay ku carqaladeynayaan booqashadda.

Safarkan ayaa aad loo hadal-hayaa, waxaana Ra'iisul Wasaaraha tallaabadan uu qaadey noqonaysaa mid dhabar-jab ku ah Somaliland, oo kala go'a dalka ka shaqeynaysa iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo tan iyo 1991 ku doodaysay inay gooni-ugoosad tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM