Maxay tahay Fariinta ay dirayso booqashadda Xamse ee Laacaanood?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Laascaanood – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ahna caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu ka degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, waxaa halkaas kusoo dhoweeyay masuulliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah oo muujinayey taageeradooda ku aaddan booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Safarka midnimada ee Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo midnimada dalka iyo horumarinta adeegyada dowladdeed ee ay u baahan yihiin bulshada reer SSC-Khaatumo.

Mudane Xamsa, oo kumanyaal shacabka Laascaanood ah kula hadlay garoonka, ayaa uga mahadceliyey soo dhowaynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay ku qaabileen, isaga oo ku tilmaamay in ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed marwalbana ay difaacan Qaranimada.

—DHAMMAAD—

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM