Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo dil toogasho ku fulisay laba nin

Image
Tan iyo bishii Febraayo, in ka badan 12 horjooge iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu fuliyay xukunno dil ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada qalabka sida faraceeda magaaladda Baydhabo ayaa aroornimadii maanta oo Axad ah xukun dil ah waxay ku fulisay labo nin oo lagu helay dambiyo dil ah.

Maxamed Cabdi Nuur ayaa lagu helay in uu khaarijiyey askari ka tirsan ciidamada Booliska, halka Abaadir Isaaq Nuur la sheegay in ay toogasho ku kala diley xaaskiisa.

Bilihii la soo dhaafay, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kordhisay dilalka toogashada ah taasoo ay walaac ka muujiyeen hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Tan iyo bishii Febraayo, in ka badan 12 horjooge iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu fuliyay xukunno dil ah ka dib markii lagu helay dambiyo ay kamid yihiin dilal iyo qaraxyo.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii maxkamada ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho ay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab.

Shaqsiyaadkaas waxaa ku jira Maxamed Cabdi Nuur Jiirow oo 38 jir ah, kaas oo isticmaalay magacyo been abuur ah sida “Dr. Fanax” si uu u helo kalsoonida uguna fududaadan shirqoolada.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu helay in ay fuliyeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan kuwaasoo ka kala dhacay degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar lagu beegsadey xarumo dowladeed.

Toogashadan ayaa ku soo beegmaysa hal todobaad uun ka dib markii maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ay dil toogasho ah ku fulisay 13 maleeshiyo oo isugu jira Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM