Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo dil toogasho ku fulisay laba nin

Image
Tan iyo bishii Febraayo, in ka badan 12 horjooge iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu fuliyay xukunno dil ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada qalabka sida faraceeda magaaladda Baydhabo ayaa aroornimadii maanta oo Axad ah xukun dil ah waxay ku fulisay labo nin oo lagu helay dambiyo dil ah.

Maxamed Cabdi Nuur ayaa lagu helay in uu khaarijiyey askari ka tirsan ciidamada Booliska, halka Abaadir Isaaq Nuur la sheegay in ay toogasho ku kala diley xaaskiisa.

Bilihii la soo dhaafay, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kordhisay dilalka toogashada ah taasoo ay walaac ka muujiyeen hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Tan iyo bishii Febraayo, in ka badan 12 horjooge iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu fuliyay xukunno dil ah ka dib markii lagu helay dambiyo ay kamid yihiin dilal iyo qaraxyo.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii maxkamada ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho ay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab.

Shaqsiyaadkaas waxaa ku jira Maxamed Cabdi Nuur Jiirow oo 38 jir ah, kaas oo isticmaalay magacyo been abuur ah sida “Dr. Fanax” si uu u helo kalsoonida uguna fududaadan shirqoolada.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu helay in ay fuliyeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan kuwaasoo ka kala dhacay degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar lagu beegsadey xarumo dowladeed.

Toogashadan ayaa ku soo beegmaysa hal todobaad uun ka dib markii maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ay dil toogasho ah ku fulisay 13 maleeshiyo oo isugu jira Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM