Maxkamada Sare oo iska fogeysay dacwada kursiga Fahad Yaasiin

Image
Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre, Baashe Yuusuf Axmed | Photo: Mohamed Maax

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Sare ee dalka ayaa diiday in ay qaado dacwadda kursigii Fahad Yaasiin, waxayna sababsadeen in Maxkamadda Sare aysan awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhashay go'aannada maamul ee doorashada dadban ee Barlamaanka 11-aad.

Arinkaan ayaa imaanaya kadib markii habeenkii xalay warsidaha Garowe Online qabtey Twitter space oo kaga hadlayo sida Maxkamada sare aysan shaqo ugu leheyn iney dhageysato dacwadaan.

Dood sharci ayaa ka dhalatay in maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay awood u leedahay dhagaysiga dacwadda kursiga tirsigiisu yahay HOP086 kaasi oo la sheegay inuu ku soo baxay Fahad Yaasiin, balse guddiga Doorashada heer federaal ay laaleen nateejadiisa iyagoo sheegay inaan nidaamkii saxda ahaa la marin.

Garyaqaan Cabdiwaxiid Cabdullaahi oo Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "kiiska kursiga #HOP86 mid maamul oo u yaalla guddiga doorashooyinka iyo ugu dambayn golaha wadatashiga qaran ee hoggaamiye Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhanka kale Sharci-yaqaan Zakariye oo Garowe Online Twitter Space ayaa cadeeyay "Go'aanka Maxkamada Sare ku gashay kiiska kursiga #HOP86 uu yahay mid siyaasadeed.

Garyaqaanka ayaa sheegay in maxkamada sare ee dalka ay wali haysato fursad ay faraha ugala bixi karto qadiyadaan “ iyada oo kiiskaan ku wareejinayso golaha wadatashiga qaran ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Xaaji Ibraahim oo ah xildhibaan hore ayaa ku dooday in “Kursiga HOP86 uu yahay sumeysan” maadaama uu khilaaf u horseeday doorashooyinka dalka.

Xildhibaanka oo ka sheekeeyay qaladaad qayn in uu ka muuqday maxkamada ayaa sheegay in “Maxkamadda kursigaan loo geeyay in lagu carqaladeeyo doorashadda".

Doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo waqtigeeda dib uga dhacday muddo sanad ah ka badan ayaa wuxuu haantan u muuqataa in xooggaa horay loo dhaqaay in kastoo ay jiraan caqabado ku xeeran sida amaanka, dhaqaalaha iyo khilaafka ka dhexeeya daneeyayaasha siyaasadeed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM