Maxkamada Sare oo lagu dhaliilay faragelinta kiiska kursiga HOP86
MUQDISHO, Soomaaliya – Dood sharci ayaa ka dhalatay in maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay awood u leedahay dhagaysiga dacwadda kursiga tirsigiisu yahay HOP086 kaasi oo la sheegay inuu ku soo baxay Fahad Yaasiin, balse guddiga Doorashada heer federaal ay laaleen nateejadiisa iyagoo sheegay inaan nidaamkii saxda ahaa la marin.
Garyaqaan Cabdiwaxiid Cabdullaahi oo Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "kiiska kursiga #HOP86 mid maamul oo u yaalla guddiga doorashooyinka iyo ugu dambayn golaha wadatashiga qaran ee hoggaamiye Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
“Maxkamadda Sarre door ugama banaana xal ka gaaristiisa kurigaan" ayuu Garowe Online u sheegay Garyaqaanka.
“Go’aanka kursigaan waxaa iska leh FEIT” ayuu ku adkaystay garyaqaanka oo cadeeyay in maxkamada sare xigaan aan boos uga banaanayn kursi.
Dhanka kale Sharci-yaqaan Zakariye oo Garowe Online Twitter Space ayaa cadeeyay "Go'aanka Maxkamada Sare ku gashay kiiska kursiga #HOP86 uu yahay mid siyaasadeed.
Garyaqaanka ayaa sheegay in maxkamada sare ee dalka ay wali haysato fursad ay faraha ugala bixi karto qadiyadaan “ iyada oo kiiskaan ku wareejinayso golaha wadatashiga qaran ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xasan Xaaji Ibraahim oo ah xildhibaan hore ayaa ku dooday in “Kursiga HOP86 uu yahay sumeysan” maadaama uu khilaaf u horseeday doorashooyinka dalka.
Xildhibaanka oo ka sheekeeyay qaladaad qayn in uu ka muuqday maxkamada ayaa sheegay in “Maxkamadda kursigaan loo geeyay in lagu carqaladeeyo doorashadda".
Maxkamada Sare ee dalka oo markii horana lagu soo dhisay nidaam aan taageero ka haysan dowlad-goboleedyada dalka ayaa shalay bilaawday dhagaysiga dacwada kursigaan.
Qareennada Fahad Yaasiin ayaa ku dooday in guddiga heer federaal aysan xaq u lahayn joojinta natiijada, halka qareenada lidka ku ahaa ay sheegeen in guddigan uu yahay midka maamulayey guud ahaan doorashada ayna kursigan joojiyeen kahor inta aan la qaban doorashadiisa.
Maxkamadda sare ayaa sheegtay inay soo saari doonto go’aan ayna dib kasoo sheegi doonto.
Dhinaca kale waxaan weli bilaaban doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo iyadoo weli lagu kala aragti duwan yahay go’aankii guddiga doorashada ee ahaa in doorashada loo wareejiyo magaalada Ceel-Waaq.
Doorashada Soomaaliya oo waqtigeeda dib uga dhacday mudo sanad ka badan ayaa haantan u muuqata in xooggaa horay loo dhaqaay in kastoo ay jiraan caqabado ku xeeran sida amaanka, dhaqaalaha iyo khilaafka ka dhexeeya daneeyayaasha siyaasadeed ee dalka.
GAROWE ONLINE