Midowga Afrika iyo IGAD oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

Image

ADDIS ABABA – Ururka Midowga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD, ayaa maanta oo Sabti ah taageeray heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo la doonayay in lagu xalliyo khilaaf ka dhashay heshiis dhinaca dekedda ah oo ay la gashay Somaliland 1-dii Jannaayo 2024-kii.

Heshiiskan oo ka soo baxay wada-hadallo ka dhacay dalka Turkiga, ayaa la doonayaa in lagu dejiyo xiisadda sababay burbur dublamaasiyadeed maadaama aanay dowladda Soomaaliya taageeray, kuna tilmaantay mid lidi ku ah madax-banaanida dalka.

Sida lagu sheegay bayaan wadajir ah, Midowga Afrika wuxuu ku ammaanay Itoobiya iyo Soomaaliya "sida ay uga go'an tahay wada-hadallada iyo xallinta khilaafaadka si nabadeed," iyagoo u arkayay heshiiska "tallaabo muhiim ah" oo loo qaadey xasilloonida gobolka.

IGAD waxay ka dhawaajisay hadalkaas oo kale, waxayna heshiiska ku tilmaantay "guul taariikhi ah" oo muujinaysa sida ay uga go'an tahay in si nabad ah lagu xalliyo arrimaha labada dhinac.

Qodobada heshiiska cusub waxaa ka mid ah in la bilaabo wada xaajoodyo farsamo dhamaadka bisha Febraayo si loo qeexo marin badeedka Itoobiya ee hoos yimaada dowladda Soomaaliya, taasoo suurta gal ah in kor loo qaado iskaashiga Geeska Afrika.

Labada ururba waxa ay ku booriyeen in si degdeg ah loo dhaqan geliyo heshiiska, iyaga oo ku nuuxnuuxsaday doorka ay ku leeyihiin ilaalinta nabadda iyo kor u qaadista xiriirka dhaqaale ee gobolka caanka ku ah colaadaha.

Somaliland ayaan weli cadeyn in heshiiska cusub uu saameyn ku yeelanayo heshiiskii ay hore ula gashay Itoobiya, iyadoo sheegtay in heshiiskoodii hore uu weli taagan yahay.

Heshiiska ayaa daba socda dhexdhexaadin ballaaran oo caalami ah, iyadoo Turkigu uu kaalin mug leh ka qaatay. Waxaa la filayaa in la dhimo khatarta colaad hor leh oo ka dhacda deegaanka, iyadoo AU-da iyo IGAD labaduba ay ballan-qaadeen taageerada joogtada ah ee wadahadalka iyo iskaashiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee T129 ATAK oo lagu arkay Hawada Muqdisho   

Warbixintan ayaa timid iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in diyaaradahaasi la wareejiyay.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 06:56AM