Midowga Afrika iyo IGAD oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

Image

ADDIS ABABA – Ururka Midowga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD, ayaa maanta oo Sabti ah taageeray heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo la doonayay in lagu xalliyo khilaaf ka dhashay heshiis dhinaca dekedda ah oo ay la gashay Somaliland 1-dii Jannaayo 2024-kii.

Heshiiskan oo ka soo baxay wada-hadallo ka dhacay dalka Turkiga, ayaa la doonayaa in lagu dejiyo xiisadda sababay burbur dublamaasiyadeed maadaama aanay dowladda Soomaaliya taageeray, kuna tilmaantay mid lidi ku ah madax-banaanida dalka.

Sida lagu sheegay bayaan wadajir ah, Midowga Afrika wuxuu ku ammaanay Itoobiya iyo Soomaaliya "sida ay uga go'an tahay wada-hadallada iyo xallinta khilaafaadka si nabadeed," iyagoo u arkayay heshiiska "tallaabo muhiim ah" oo loo qaadey xasilloonida gobolka.

IGAD waxay ka dhawaajisay hadalkaas oo kale, waxayna heshiiska ku tilmaantay "guul taariikhi ah" oo muujinaysa sida ay uga go'an tahay in si nabad ah lagu xalliyo arrimaha labada dhinac.

Qodobada heshiiska cusub waxaa ka mid ah in la bilaabo wada xaajoodyo farsamo dhamaadka bisha Febraayo si loo qeexo marin badeedka Itoobiya ee hoos yimaada dowladda Soomaaliya, taasoo suurta gal ah in kor loo qaado iskaashiga Geeska Afrika.

Labada ururba waxa ay ku booriyeen in si degdeg ah loo dhaqan geliyo heshiiska, iyaga oo ku nuuxnuuxsaday doorka ay ku leeyihiin ilaalinta nabadda iyo kor u qaadista xiriirka dhaqaale ee gobolka caanka ku ah colaadaha.

Somaliland ayaan weli cadeyn in heshiiska cusub uu saameyn ku yeelanayo heshiiskii ay hore ula gashay Itoobiya, iyadoo sheegtay in heshiiskoodii hore uu weli taagan yahay.

Heshiiska ayaa daba socda dhexdhexaadin ballaaran oo caalami ah, iyadoo Turkigu uu kaalin mug leh ka qaatay. Waxaa la filayaa in la dhimo khatarta colaad hor leh oo ka dhacda deegaanka, iyadoo AU-da iyo IGAD labaduba ay ballan-qaadeen taageerada joogtada ah ee wadahadalka iyo iskaashiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 01:27PM

Degganaansho oo Kusoo Laabatay Muqdisho Kadib Labo Maalin oo Dagaal Ah

Dhanka kale, saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sii wada dadaallada lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 06:40AM