Midowga Afrika oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya
MUQDISHO – Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay is-afgaradka dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya kadib bilooyin xiisado siyaasadeed oo halis ku ahaa xiriirka labada dal, ka hor inta aan la xallin xiisaddaas iyadoo gacan ka geysanayey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Mohamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika isla markaana madax ka ah Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa ku tilmaamay heshiiska labada dal "tallaabo sax ah oo lagu qaaday dhanka horumarka."
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Itoobiya dhammaadkii toddobaadkii hore, taasoo ahayd kulan daba socda hirgelinta Qodobbadii Heshiiska Ankara. Labada dal ayaa bishii hore ku heshiiyay in la joojiyo xasaradaha.
Labada dhinac waxay kaloo isku raaceen inay xoogga saaraan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, iyo isku xirka dhaqaalaha. Booqashadan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee Xasan Sheekh Maxamuud ku tago Addis Ababa muddo bilo ah.
Ambassador Souef ayaa muujiyay qanacsanaan ku aaddan sida Soomaaliya iyo Itoobiya ay u xalliyeen arrimaha u dhexeeyay, oo ay ku jirto heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya iyo Somaliland ee ku saabsanaa marin u helista Badda Cas, taas oo sababtay xiisadda siyaasadeed ee labada dal.
“Bayaan-wadaaggan wuxuu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo mabda’a Heshiiskii Ankara. Diiradda cusub ee la saarayo diblomaasiyadda, iskaashiga amniga, iyo wada-shaqeynta dhaqaale waxay si weyn u taageeri doontaa xasilloonida gobolka iyo himilooyinka Afrika oo nabad iyo barwaaqo leh,” ayuu yiri Ambassador Souef.
Wakiilka AU ayaa sidoo kale sheegay in AUSSOM ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada xasillinta Soomaaliya iyo iskaashiga goboleed, iyadoo la waafajinayo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo aragtida Midowga Afrika ee ku aaddan Afrika nabad iyo barwaaqo leh.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sidoo kale ku adkaystay in dalkiisa uu qeyb ka noqdo AUSSOM, codsi haatan la dhammaystirayo.
Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta xagjirnimada rabshadaha wata ayaa weli la tacaaleysa caqabado dhinaca siyaasadda ah, taas oo dib u dhigtay guulaha laga filayay dhanka dagaalka.
GAROWE ONLINE