Midowga Jaamacadaha Afrika oo Garowe laga xusay

Image

November 12, 2014 (GO)- Hoolka shirarka Jaamacada PSU waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay midowga jaamacadaha Afrika, munaasabadaas oo maamulka Jaamacada PSU ( Puntland State University) soo qaban qaabiyeen.

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Puntland, wasiiro, xildhibaano; maamulka iyo macalimiinta jaamacadda, arday iyo xubno ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoomiyaha Jaamacada PSU Maxamuud Xaaji Yuusuf oo xaflada furay ayaa sheegay in marka laga yimaado xuska midowga jaamacadaha Afrika ujeedada labaad ee xafladan loo qabtahay ahayd in lasoo bandhigo arday ka yimid gobolada Gedo iyo Galguduud oo Jaamacadda PSU deeq waxbarasho siisay.

Xaamud ayaa intaas ku daray in jaamacadaha Afrika  aad oga danbeeyaan jaamacadaha qaaradaha kale taasina tahay ujeedada koowaad ee loo asaasay ururka jaamacadaha Afrika ku mideysan yihiin si jaamacaduhu iskaashi ballaaran u sameystaan. 

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Camay ayaa PSU ugu hambalyeeyey kaalinta ay kaga jirto jaamacada Afrika. Ardayda deeqda waxbarasho helayna wuxuu kula dardaarmay inay ka faa'iidaystaan jaaniska la siiyay maadaama ay dalkooda gudihiisa ay wax ku baranayaan.

Jaamacadda PSU ayaa sanadkan iyo kii horeba kaalimaha hore ka gashay qiimeynta jaamacadaha ugu tayada fiican dhamaan kuwa ku yaalla Qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM