Midowga Jaamacadaha Afrika oo Garowe laga xusay

Image

November 12, 2014 (GO)- Hoolka shirarka Jaamacada PSU waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay midowga jaamacadaha Afrika, munaasabadaas oo maamulka Jaamacada PSU ( Puntland State University) soo qaban qaabiyeen.

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Puntland, wasiiro, xildhibaano; maamulka iyo macalimiinta jaamacadda, arday iyo xubno ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoomiyaha Jaamacada PSU Maxamuud Xaaji Yuusuf oo xaflada furay ayaa sheegay in marka laga yimaado xuska midowga jaamacadaha Afrika ujeedada labaad ee xafladan loo qabtahay ahayd in lasoo bandhigo arday ka yimid gobolada Gedo iyo Galguduud oo Jaamacadda PSU deeq waxbarasho siisay.

Xaamud ayaa intaas ku daray in jaamacadaha Afrika  aad oga danbeeyaan jaamacadaha qaaradaha kale taasina tahay ujeedada koowaad ee loo asaasay ururka jaamacadaha Afrika ku mideysan yihiin si jaamacaduhu iskaashi ballaaran u sameystaan. 

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Camay ayaa PSU ugu hambalyeeyey kaalinta ay kaga jirto jaamacada Afrika. Ardayda deeqda waxbarasho helayna wuxuu kula dardaarmay inay ka faa'iidaystaan jaaniska la siiyay maadaama ay dalkooda gudihiisa ay wax ku baranayaan.

Jaamacadda PSU ayaa sanadkan iyo kii horeba kaalimaha hore ka gashay qiimeynta jaamacadaha ugu tayada fiican dhamaan kuwa ku yaalla Qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM