Midowga Yurub: Ma sii wadi karno kaligeen kharashka nabad ilaalinta Soomaaliya

Image

BRUSSELS – Midowga Yurub ayaa si cad u sheegay in aysan sii wadi karin bixinta kharashka ku baxaya hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya oo kaliya, isagoo ugu baaqay quwadaha caalamka in ay si dhab ah ula wareegaan qeyb ka mid ah masuuliyadda dhaqaale iyo tan farsamo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub oo ku sugan magaalada Brussels ayaa carabka ku adkeeyay in wadamada sida weyn u saameeya gobolka, sida dalalka Khaliijka, Mareykanka, Shiinaha iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika, laga rabo in ay si muuqata uga qeyb qaataan sii wadista hawlgalka xasillinta Soomaaliya.

“Daalka miisaaniyadeed ee Midowga Yurub wuu sii kordhayaa. Mustaqbalka Soomaaliya ma noqon karo mid kaliya ku tiirsan deeqsinimada Yurub,” ayuu yiri mid ka mid ah diblomaasiyiinta reer Yurub.

Hawlgalka ATMIS, oo hadda si tartiib tartiib ah u gudbaya wejigiisa cusub ee AUSSOM (African Union Somalia Support and Operations Mission), ayaa lagu wado in uu qaato qaab cusub oo ka duwan kii hore, iyadoo laga guurayo howlgal ciidan toos ah loona gudbayo taageero farsamo, latalin iyo dhisidda hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Wadahadallo arrintan la xiriira ayaa lagu qaban doonaa magaalada Kampala, halkaas oo la filayo in si rasmi ah loogu beddelo qaabka howlgalka, looguna magac daro “xasillin fudud” (light stabilization), taas oo diiradda saari doonta tababarro iyo hagid halkii laga sii wadi lahaa dagaallo toos ah.

Shirka Kampala ayaa noqon doona talaabo muhiim u ah dejinta ajandaha shir madaxeed la filayo in uu dhaco horraanta bisha May. Ajandahaas ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimo ay ka mid yihiin dib-u-habeynta ciidamada Soomaaliya, habraaca maalgelinta, iyo qorshaha ATMIS kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM