Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageeraya amniga Xeebaha

Image
Mashruucan ay Qaramada Midoobay qeyb ka tahay ayaa waxaa ku baxaysa 3 milyan oo dollar.

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xarigga ka jaray Xarun Cusub oo loo dhisay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed, taas oo laga hirgeliyey gudaha Dekedda Muqdisho.

Xaruntan Cusub oo ah mid muhiim u ah Ciidanka Booliska iyo ilaalinta amniga xeebaha Soomaaliya, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu tayaynayo Ciidanka Booliska, lagu na xaqiijinayo nabad gelyada xeebaha Soomaaliya. Mashruucaan waxaa maalgaliyay Midowga Yurub.

“Sannadihii ugu dambeeyay Soomaaliya waxa ay ballaarisay awoodeeda fulinta sharciga baddaha, taasoo u ogolaaneysa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay badbaadiyaan iyo in ay sugaan ammaanka hareeraha Dekedda Muqdisho iyo xeebaha Soomaaliya. Saldhiggan oo qalabaysan waxa uu u oggolaanayaa ciidanka SPF in ay noqdaan kuwo si sii kordheysa waxtar u leh,” ayay tiri Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, oo ka hadashay munaasabada xarig jarka ah.

"Soomaaliya si ay u sii waddo ballaarinta 'dhaqaalaha buluuga ah' oo ay ka faa'iidaysato fursadaha hanti-abuurka ah ee xeebaha ballaaran ee ay leedahay, amniga badda iyo sharci fulinta waxay u baahan doonaan in ay sii wadaan doorka muuqda amniga badda," ayay raacisay hadalkeeda, iyadoo sidoo kale xustay in xaruntu ay taageeri doonto horumarinta ee qaab-dhismeedka maamulka badda Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii kale ee ka soo qeybgashay munaasabadda waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda dekedaha iyo kheyraadka badda Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Xasan; Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed; Madaxa Ergada Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; iyo Madaxa Hawlgalka Tayaynta Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAPSOM), Chris Reynolds.

Mashruucan dhismaha oo ay ku baxayso lacag dhan 3 milyan oo dollar ayaa waxaa fulintiisa iska kaashaday hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan adeegyada mashaariicda (UNOPS) iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka dambiyada iyo daroogada (UNODC). Xaruntu waxay bixin doontaa saldhig hawleed oo ay SPF ka hawlgali karaan agagaarka Dekedda Muqdisho iyo xeebaha Soomaaliya, iyo sidoo kale gacan ka geysan doona dhisidda awoodda ilaalinta sharciga badda ee muddada dheer.

Xaruntu waxay ka kooban tahay dhisme goglan oo leh qalab teknooloojiyada si loogu kaydiyo macluumaadka, iyo qayb hoy ah. Sidoo kale, waxaa lagu qalabeeyay qalab isgaarsiineed oo dhanka badda ah si ay ugu suurtagasho diyaar garow shaqo, waxaana 60 sarkaal oo ka tirsan ciidamada ilaalinta sharciga badda la siiyay tababaro iyo aqoon-isweydaarsiyo ku saabsan ilaalinta sharciga badda, injineernimada badda iyo isgaarsiinta badda.

Sidoo kale, Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Afrika ee UNODC, Neil J. Walsh, ayaa tilmaamay doorka muhiimka ah ee xarunta iyo iskaashiga ay ka qaadan doonaan dadaallada lagu taageerayo dagaalka Soomaaliya ay kula jirto dambiyada abaabulan ee ka gudba badda iyo biriga. Dhismaha xaruntan cusub ayaa bilaabatay 2018-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM