Miisaaniyadda maamul goboleedka Galmudug ee 2025 oo la meelmariyay

Image
Shirkan oo ka dhacay Dhuusomareeb ayaa waxaa guddoomiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariya ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Galmudug.

Shirka ayaa ugu horreyn waxaa warbixin loo dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha, oo ka warbixisay amniga guud ee Galmudug iyo Howlgallada lagu sifeynayo Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay si dardar leh uga socda deegaannada Galmudug. 

Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo ka warbixisay mashaariic kaabayaal dhaqaale ah oo dhawaan ka billaabanaya Galmudug sida Dekada Hobyo, dhismaha Waddooyinka Caasimadda Galmudug iyo Wadddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Dhusamareb iyo cadaado, dhismaha Xarunta Baarlamaanka oo hada maraya meel gebogebo ah iyo sidoo kale dhismaha Garoonka Caasimadda oo si dardar ah ku socda.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale maanta loo qeybiyay nuqullo ka mid ah qabyo qoraalka Sharciga Maalgashiga Shisheeye ee Galmudug.

Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda Galmudug 2025 oo sameysay koror ka badan boqolkiiba labaatan iyo Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM