Milatariga Soomaaliya oo "dilay" xubno ka tirsan Al-Shabaab

Image
Ciidamada dowladda ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee guud ahaan dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen todobo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, intii lagu guda jiray howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga  degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada XDS ee howlgalkan hogaaminayay ayaa idaacadda ciidamada u sheegay in lagu dilay howlgalo ay ciidamadu ka sameeyeen 11 tuulo oo ka tirsan maamulka Jubaland.

“Howlgallada ay sameeyeen ciidamada ayaa biyo iyo raashin u qeybiyay qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka,” ayay tiri idaacadda SNA.

Arrintan ayaa timid saacado kadib markii ay ciidamadu dileen saddex ka tirsan kooxda oo uu ku jiro nin is-miidaamiye ahaa, isla markaana ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ka dhacay deegaanka Beer Xaani iyo Gabdhoole oo qiyaastii 40 KM u jira magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ka socda guud ahaan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo dadaal ugu jira sidii ay u soo dhameystiri lahaayeen doorashada xildhibaanada baarlamaanka kadib markii ay dib u dheceen doorashooyinka dalka.

Al-Shabaab oo ka soo horjeeday hanaanka doorashada ay u socoto ayaa qaaday weeraro is daba joog ah oo ay ku bartilmaameedsanayeen ergada doorashada, si ay u carqaladeeyaan hanaanka doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM