Mileeshiyo beeleed ku dagaalamay duleedka Beledweyne

Image

October 4, 2014 (GO)- Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyoodey in ka badan toban kalena way ku dhaawacmeen dagaal goor hore oo maanta ah ka dhacay deegaanka Deefow oo wax yar u jira degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo dhex maray labo mileeshiyo beeleed oo ka tirsan beelaha deegaanka Deefow ku dhaqan, wuxuu ka bilowday muran la xiriira lahaanshaha dhul daaqsimeed beelahaasi isku haystaan.

Weriye madax banaan oo Beledweyne ku sugan ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in 10 qof oo dhaawac ah la keenay isbitaalka guud ee degmada, qaar kalena loo qaaday xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

Saacado kahor waxaa Deefow u kicitimay waxgarad iyo odayaal isla deegaanka kasoo jeeda, si xaaladda loo dejiyo loona kala dhex galo mileeshiyaadka dagaalku u dhexeeyo.

Ma ahan markii ugu horreysey ee deegaankaas dagaal noocan ahi ka dhaco, balse waxaa jirey marar badan oo laysku dayey in colaadan heshiis laga gaaro inkastoo dhammaan dadaaladaasi guul daraysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM