Mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaaraha oo baarlamaanka loo gudbiyey

Image

November 6, 2014 (GO)- Mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa galabta loo gudbiyey guddoonka Baarlamaanka Dowlada Federaalka.

Lama oga ilaa io hadda tirada rasmiga ah ee xildhibaanada saxiixay mooshinka haseyeeshee sida wararka hordhaca ah lagu helayo ku dhowaad 100 xildhibaan ayaa ogolaaday.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari wuu aqbalay mooshinka, waxayna taasi cadayn u tahay in tirada xildhibaanada soo gudbiyey gaarsiisan tahay inta sharcigu ogolaanayo inay mooshin keeni karaan.

Mooshinka la doonayo in lagu majaxaabiyo Ra'iisul Wasaaraha oo bilihii u dambeeyey qorshihiisu soo socdey, waxaa dabada ka riixaya Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isla galabta u duulay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qayb geli doono shir madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD yeelanayaan.

Biishii December ee sanadkii hore 2013, waxaa mooshin kan oo kale ah kalsoonida loogala laabtay xukuumaddii uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Arintan ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka inay khilaafka jira dhex dhexaad ka noqdaan, maadaama laga warhelay in qaar badan oo xildhibaanada kamid ah la laaluushay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM