Mucaaradka oo la wareegay guddoonka Golaha Shacabka

Image
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortel afhayeenka Aqalka Hoose ee baarlamaanka 11aad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaaryay 163.

Aadan Madoobe oo jagadan ay tahay markii labaad uu qabto ayaa wuxuu ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, oo helay codad gaadhaya 89 cod. Labada nin waxay kasoo jeedaan Koonfur Galbeed.

Xasan Cabdinuur iyo Aadan Madoobe oo loolanka ugu xooggan uu ka dhaxeeyay ayaa wareegga koowaad la yimid dhibcaha ugu badan iyadda oo codadka u kala helay sidda soo socota;

1: Sheikh Aadan Madoobe: 74 cod

2: Xasan Cabdinuur: 98 cod

3: Aadan Saransoor: 23 cod

4: Cabdilaahi Black: 33 cod

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaan soo xaadirin doorashada caawa ka socota Teendhada Afisiyoone, waxaana muuqata inuu tartanka isaga haray.

Mursal waxuu siyaasad ahaan taageersanaa mudo korarsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo xukunka ku dheeraystay. Dad badan waxay rumeysan yihiin in Xasan Cabdinuur ay wadatay Villa Soomaaliya.

Guusha Madoobe ayaa la macno ah in kooxda Farmaajo looga adkaadey hardanka guddoonka Golaha Shacabka. Lama sii saadaalin karo waxay dhici doona tartanka xilka madaxtinimadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM