Mucaaradka oo la wareegay guddoonka Golaha Shacabka

Image
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortel afhayeenka Aqalka Hoose ee baarlamaanka 11aad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaaryay 163.

Aadan Madoobe oo jagadan ay tahay markii labaad uu qabto ayaa wuxuu ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, oo helay codad gaadhaya 89 cod. Labada nin waxay kasoo jeedaan Koonfur Galbeed.

Xasan Cabdinuur iyo Aadan Madoobe oo loolanka ugu xooggan uu ka dhaxeeyay ayaa wareegga koowaad la yimid dhibcaha ugu badan iyadda oo codadka u kala helay sidda soo socota;

1: Sheikh Aadan Madoobe: 74 cod

2: Xasan Cabdinuur: 98 cod

3: Aadan Saransoor: 23 cod

4: Cabdilaahi Black: 33 cod

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaan soo xaadirin doorashada caawa ka socota Teendhada Afisiyoone, waxaana muuqata inuu tartanka isaga haray.

Mursal waxuu siyaasad ahaan taageersanaa mudo korarsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo xukunka ku dheeraystay. Dad badan waxay rumeysan yihiin in Xasan Cabdinuur ay wadatay Villa Soomaaliya.

Guusha Madoobe ayaa la macno ah in kooxda Farmaajo looga adkaadey hardanka guddoonka Golaha Shacabka. Lama sii saadaalin karo waxay dhici doona tartanka xilka madaxtinimadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM