Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mucaaradka, oo ay hoggaaminayaan musharrixiinta madaxweynaha ee doorashada soo socota ee 2026, ayaa Jimcaha maanta ka bilaabay magaalada Muqdisho wadatashiyo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo is-afgarad ku saabsan nidaamka doorashada dalka.

Wadatashiyada ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Kulamadan ayaa ka hor imanaya qorshaha lagu wadaa in toddobaadka dambe lagu shaaciyo madal siyaasadeed oo mideysan.

Mucaaradku waxay ku baaqayaan in doorashada soo socota ay noqoto mid loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo, taasoo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa dhaleeceeyay dowladda Federaalka, iyagoo ku eedeeyay in hanaanka doorashada ee hadda socda uu ka saarayo qaybaha muhiimka ah ee siyaasadda isla markaana uu khatar gelinayo xasiloonida dalka.

“Kulamadan waa jawaab ku saabsan welwelka sii kordhaya ee ku aadan in nidaamka doorashada aan lagu sameyn hufnaan iyo wada-tashi,” sidaas waxaa ku yiri mid ka mid ah xubnaha mucaaradka oo Garowe Online la hadlay balse codsaday in magaciisa la qariyo.

Kulanka ugu horreeyay ayaa ka dhacay guriga Shariif Sheekh Axmed ee Muqdisho, halka kulamo kale oo daba socda ay ka socdaan meelo kale oo magaalada ah, sida Mowlaca Macalin Nuur, halkaas oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ugu saameynta badan.

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho, kaas oo looga hadli doono sidii loo horumarin lahaa nidaamka doorashada iyo sidii loo ilaalin lahaa horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Walaaca mucaaradka ayaa sii kordhay kadib markii dhawaan Madaxweynaha mudo-xileedkiisa sii dhamaanayo uu Madashii Wadatashiga Qaran u bedelay xisbi siyaasadeed cusub oo isaga hogaaminayo, kaasoo loo diyaarinayo in loogu shubo doorashadda, maadaama gudiga doorashadda uu hogaaminayo C/kariin Axmed oo 2022 ahaa madixii ololaha Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM