Mudada uu soconayo heshiiska loo saxiixay Coastline oo la shaaciyey
WASHINGTON, USA – Heshiiska shidaalka ee ay kala saxiixdeen shirkadda Coastline iyo wasiirka batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa wuxuu soconayaa muddo 30-sano ah, sidda ay ku warantay VOA Soomaali.
Sidda uu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda ku hadasha afka Mareykanka, mudda uu soconayo heshiiskan laguma sameyn karo wax isbadal ah.
Warbixinta ayaa intaas waxay ku daraysaa in heshiiska uu siinayo Soomaaliya dheef 5%, faa’iido 50-50 ah, canshuur 30% ah iyo faa’iidooyin kale oo aan fahfaahin laga bixin.
Madaxa shirkadda Coastline Richard Anderson oo lagu wareystay barnaamijka ayaa daaha ka rogay in heshiiska uu maray dhamaan habraacyada lama maarmaanka ahaa isaga oo ku sifeeyay "mid u dhameystiran yihiin sharciyadii".
Anderson oo xaqiijiyey in ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u dirty warqad ay kaga codsaneyso fahfaahin iyo nuqul kamid ah heshiiska ayaa balanqaadey in ay kala shaqeyn doonan dhamaan su’aallaha ay ka qabaan heshiiska.
Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in uu Hanti-dhowraha guud ee Qaranka ay ka heleen dhambaal ku saabsan baaritaan uu ku sameynayo qandaraaska isla markaana uu wareystay qaar kamid ah howlwadeenadda shirkadda Coastline.
Dawladda Soomaaliya ayaa horey u qaadday tallaabooyin ay ku baabi’inayso heshiiska bishii Febraayo 15-keedii ay magaalada Istanbul ku saxiixeen Wasiirka shidaalka dawladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo shirkadda Coastline Exploration oo horey loo oran jiray Soma Oil & Gas.
Xafiisyada Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roole ayaa waxay labaduba rasmi ahaan u shaaciyeen in heshiisaas uusan xalaal ahayn.
Hase yeeshee shirkadda Coastline Exploration ayaa ku gacan-sayrtay, waxayna sheegtay in heshiiska uu yahay mid sharci ah, ayna ka rajo-qabaan in loo fasaxo kadib baaritaanka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad kala guur ah. Waqtiyadan oo kale, madaxda waxay isku dayaan in ay uga faa’iideystaan in ay galaan heshiisyo soconaya muddo dheer si ay uga sameeyaan dhaqaale ay kursiga ku difaacdaan.
GAROWE ONLINE