Muqdisho: badmaaxiin ku afduubnaa gobolada dhexe oo lasii daayey

Image

October 30, 2014 (GO)- La-haystayaal u dhashay dalka India oo muddo afar sano ah afduub loogu haystey deegaano ka tirsan gobolada dhexe ayaa dib xoriyadooda u helay shalay oo Talaado ahayd.

La haystayaasha oo tiradoodu todoba qof tahay dhammaantoodna badmaaxiin ahaa waxaa maanta lasoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho kadib markii ay goor hore oo saaka ah kasoo duleen degmada Dhuuso Mareeb ee gobolka Galguduud.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa sheegay in diyaaradda dadkaas soo qaaday magaalada Muqdisho laga diray islamarkaana sida ugu dhaqsaha badan loogu dhoofin doono dalkooda hooyo.

Sii deynta badmaaxiinta Hindida ah waxaa kaalin weyn ka qaatay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Galguduud, lamana oga ilaa iyo hada in kooxdii burcad-badeedka ahayd ee dadkaasi u qafaalnaayeen la siiyey madax furasho iyo in kale.

Weeraradii burcad-badeedka Soomaalidu ku qaadi jireen maraakiibta maraya Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ayaa si aad ah hoos ugu dhacay labadii sano ee ugu dambeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM